Lammaane is qaba ayaa barnaamij wareed daadihiya dalka Kenya

Lulu Xassan iyo saygeeda Rashid Cabdalla ayaa soo jeedinaya barnaamij wareedka Nipashe

Xigashada Sawirka, Citizen TV

Qoraalka sawirka, Lulu Xassan iyo saygeeda Rashid Cabdalla ayaa soo jeedinaya barnaamij wareedka Nipashe

Dalka Kenya waxaa markii ugu horeysay shaashadaha wararka kasoo muuqanaya lammaane is qaba oo si wada jir ah war u akhrinaya.

Gabadha caanka ah ee taleefishinada ka hadasha Lulu Xassan ee afka Sawaaxiliga ayaa waxaa kusoo biiraya saygeeda Rashi Cabdalla oo markii hore ay ka hawlgalayeen labo taleefishin oo kala duwan.

Rashid ayaa kusoo biiraya taleefishinka Citizen oo ay Lulu ka shaqaynaysay, islamarkaasna ay qof kale lasoo jeedin jirtay barnaamijka caanka ah ee Nipashe.

'Dareenka Guriga'

"Soo dhowoow Rashid, fadlan ha is martiyayn" ayay tiri Lula oo ninkeeda Rashid la daadihineysa barnaamijka Nipashe Weekendi.

"Waa daadihin iyo iskaashi wanaagsan" ayuu ugu jawaabay, isaga oo intaas ku daray "Waa iskaashi la mid ah sida indhaha iyo gacmaha ay wadajirka u yihiin".

Qoraalka Codka, Xaaladda ganacsiga Soomaalida Kisumu ee Kenya
Qoraalka Codka, KENYA: DHIMASHADA DAYACA WADOOYINKA KEENYA

Iidheh badan ayaa loo sameeyay barnaamij wareedka lammaanaha ay jeedinayaan ka hor inta aysan hawada soo galin.

Rashiid ayaa horey uga hawlgali jiray taleefishinka ay kan tartanka ku jiraan ee NTV , wuxuuse hadda kusoo biiray Citizen TV , isaga oo badalaya gabadha lagu magacaabo Kanze Dena oo noqotay afhayeenka madaxtooyada Kenya.

Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa ammaanay lammaanaha shaqada meesha qura ka wada bilaabay.

Lulu Xassan iyo Rashid Cabdalla

Xigashada Sawirka, Citizen TV

Qoraalka sawirka, Lulu Xassan iyo Rashid Cabdalla