Sawir muhaajiriin geeriyootay oo muran siyasadeed dhaliyey

Sawirka ayaa waxaa ka muuqda meydka laba qof oo isku dhaggan oo dul sabbeynaya wabi, sawirkaasi oo ah aabbe iyo ilma yar oo uu dhalay.

Sawirka argagaxa leh ee Oscar Ramirez iyo gabadhiisa Valeria oo ka gudbayey oo ku geeriyooday xilli ay ka gudbayeen wabiga Valeria oo sawirkooda baraha bulshada si weyn looga baahiyey ayaa waxay maamulka Trump ku abuurtay in gudaha dalka Mareykanka iyo caalamkaba si weyn loog cambaareeyo siyaasaddiis muhaajiriinta ku aaddan.

Iyada oo marki horaba aad looga cambaareeyey sida ay xukumadda Trump ula dhaqantay carruurta Muhaajiriinta ah ee iyaga iyo waaliddiintooda lagu kala reebay xadka Mexico qaarkoodna meel gooni ah lagu hayo.

Waxaan go'aansannay inaan sawirkaasi qoraalkan ku soo lifaaqno, balse akhristayaasha waxaan uga digeynaa sawirkaasi maadaamaa ay dhici karto iney dadka qaar ay naxdin ku abuurto ama ay jecleysan.

Sawirkaasi wuxuu dalka Mexico durbadiba uu ka billaabay dooda ballaadhan oo ay shacabka dalkaasi yeelanayaan, iyada oo madaxweynaha Mexico Andrés Manuel López Obrador uu sawirka ku tilmaamay " mid niyadjab aad u weyn laga qaadayo".

Sida oo kale gudaha Mareykankana waxaa ka soo ifbaxay dooda iyo aragtiyo ka dhan ah siyaasadda Maamulka Trump ee ku aaddan soo galootiga gaar ahaanna carruurta iyada oo dacwada ka dhan ahba laga gudbiyey.

Alexandria Ocasio-Cortez, oo aqalka Congreska u matasha xisbiga dimuqraadiga ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay raalli gelin in laga bixiyo xeryaha carruurta toddobaadyo lagu hayo ee looga magacdaray "Xaruumaha xakameynta muhaajiriinta".

Talaadadina waxaa xilkiisa iska casilay madaxi wakaaladda ilaalada xadka barriga iyo canshuuradka Mareykanka John Sanders, iyada oo iscasilaaddiisa lala xidhiidhiyey arrimaha dadka soo galootiga ah.

Aqalka Sanetka ayaa waxay diideen hindisa sharciyeed ay talaadadii ansixiyeen aqalka golaha wakiladda kaasi oo ku saabsanaa in kaalmo loo diro xuduudda Koonfureed ee Mareykanka.

Aqalka golaha wakiiladda shacabka Mareykanka ayaa waxay doonayeen in 4.5 bilyan oo doolar oo ah kaalmo bani'aadanimo ay meel mariyaan si wax looga qabto xaaladda noolaleed ee soo wajahaysa dadka muhaajiriinta ah.

BBC-da waxay la hadashay laba sharciyaqaan oo soo booqday xeryaha ku meel gaarka ah ee dadka muhaajiriinta lagu hayo oo ku yaalla Clinton iyo Texas si ay u soo indhaindheeyaan xaaladda noololeed ee carruurta xerooyinkaasi ku sugan, waxayna sheegeen iney carruurtu ay ku nool yihiin silac, saxariir iyo noolal aad u liidata.

"Carruurta wey gaajoonayaan, wey bukaan, aadna waa looga naxayaa"

Elora Mukherjee waxay agaasime ka tahay Kulliyadda Sharciga ee Colombia.

"Inka badan 12 sano waxaan xafiiska muhaajiriinta qaabila ee federaalka uga soo shaqeeynayey arrimaha carruurta iyo qoysaska xerooyinka ku meel gaarka ah ku sugan" ayey tiri.

Noolasheyda lama kulmin xadgudubka bani aadaminimo ee aan ku soo arkay Texas, mid la mid ah.

Carruurta waa ay gaajoonayaan, wey wasaqeysan yihiin, aad ayaana looga naxayaa. Mana garanayo sababata ay carruurtaasi u sii deyn la'yihiin.

Carruurta aan wareysiga la yeeshay waxaa xeradan lagu hayaa maalmo iyo toddobaadyo, iyada oo qaarkood ay ku dhawaad bil halkaasi ku jiraan.

Sharcigana wuxuu qabaa carruurta inaan xerooyinkaasi ku meel gaarka ah aan lagu hayn karin 72 saac ka badan, wixi intaa dhaafsanna loo gudbiyo gooba kale.

Carruurta tani iyo marka ay xadka soo tallaabeen oo xeradan la keenay fursad uma eysan helin qobeys, oo nadafaaddooda aad ayey u hooseysaa.

Waxayna intooda badan xiran yihiin dhar aad u wasaqeysan oo intooda badan ay xirnaayeen xilligi ay xadka ka soo tallaabayeen.

Maxakamadda Federaalka sida aan ku soo bandhignay 18-ka June, dowladdu ma waxay leedahay carruurtan uma baahna iney helaan saabuun ay gacmaha ku dhaqdaan, ilkaha ku cadeydaan ama sariiro ay ku seexdaan.

Maamulka Trump wuxuu leeyahay siyaasad carruurta aad u neceb.

"Carruurta qaarkood marki ay u adkeysan waayeen noolal xumada xerooyinka sida ku meel gaarka ah looga hayo ka jirto waa ay ka baxsadeen si ay u helan noolal taa dhanto."

"Dadka aan rumeysaneyn waxa aan sheegeyno iyo sida uu Mareykanka ula dhaqmay carruurta muhaajiriinta ah ha booqdaana xerooyinkaasi hana la kulmaana carruurta halkaasi lagu hayo."

"Marka ay carruurta u dhawaadaana carruurta waxa ka soo shiirayo, muuqaalkooda, aradka iyo dhibka haysta markaasi ayey arki doonan" ayey tiri Alexandria Ocasio-Cortez.

'Carruurta waxay seexdaan waxna ku cunaan musqulo dusha ka furan'

Barafasoor Warren Binford waa agaasimaha barnaamijka sharciga ee jaamacadda Willamette oo ku taalla goboolka Oregon, waxayna si gaar ah uu ugu takhasustay sharciga xuquuqda carruurta.

"350 carruur ah ayay ku hayaan goob looga tala galay iney qaaddo 104 qof oo keli ah oo leh adeegga dadka waaweyn. Carruurta qaarna waxay noo sheegeen iney seddex toddobaad ay xeradaasi ku jiran" ayey tiri mar ay BBC-da u warrameysay.

Inkabadan 100 carruurta halkaasi lagu hayo wey yaryar yihiin, waxayna isugu jiraan saqiirro, kuwa hadda socodka baranaya iyo carruur ay da'dooda waxbarasha gaartay iyo qaar ay dhaaftayba. Waxaa sida oo kale xerooyinkaasi ku jira hooyooyin ilma yaryar haysta.

Carrurtan cidna ma daryeesho oo aad baa loo dayacay. Qobeys joogta ahna maba helaan.

Boqollaal carruur ayaa lagu hayaa bakhaarro waaweyn oo xerooyinkaasi ku yaalla oo aan wax adeeg ah laga helin.

Carruurtana bakhaarrada ay ku jiraan dusha ayaa lagaga xiraa oo waxayna dhismayaasha ay ku jiran gudahooda ku leeyihiin musqulo ay si wada jir ah u isticmaalaa oo dusha ka furan.

Guriyaha wey buux dhaafeen, cidhiidhiga iyo carruurta tira badan ee hal meel lagu wada hayo ay la soo darsaan cudurra badan oo neefta lagu kala qaado, carruurta qaarkoodna waxaa lagu hayaa gooba gaar ah oo ay dadka waaweyn ku soo booqan karin. Guriyaha sida ay u kala weynyihiinna waxaad arkeysaa qol ay 100, 50 ama 25 carruur ah ay ku wada jiraan oo aad u ciriiri ah.

Carruurta aan la kulannayna waxay noo sheegeen iney carruurta halkaasi ku jirta qarkood ay sibirka ku seexdaan oo ay haysan gogol ama sariir ay ku seexdaan.

Marka xaaladdu daryeel la'aanta carruurtaasi haysato marka aad aragto waxaad isweydiineynaa iney arrinta muhaajiriin iyo qoxootinima ka weyn tahay oo si bani aadaminimada ka baxsan loola dhaqmay.

Sida uu waalid kasta ogsoon yahay ilmaha aad dhashay habeenna ha kula joogo inuu xil ka saaran yahay inuu helo deegyada ay ka mid yihiin saabuun uu ku qobeysto, ku farxasho iyo inuu cadaydo.

Carruurtan waxaa lagu qasbay iney 24 saac, ay ku noolaadaan jahwareer oo ay isku kaadshaan, ay wax cunaan, seexdaan oo ay xerdaasi meelna uga bixin iyada oo ay carruur badan sibirka iska seexdaan maadamaa ay haysan meel ay sexdaan.