Dabagalka BBC-da kadib madaxweynaha Senegal walaalkii oo is casilay

Nin ay wada dhasheen madaxweynaha Senegarl ayaa iska casilay shirkad ay dowladda leedahay oo sanduuqa kaydka lacagaha raasumaalka ah kadib markii magaciisa uu kusoo baxay baaritaan ay samaysay BBC-da oo ku saabsanaa arrimaha shidaalka iyo gaaska.

Warbixinta barnaamijka Afrika Eye ayaa lagu sheegay in Caliyow Sall ay shirkad gaaska ah siisay $250,000 doolar sannadkii 2014-kii taas oo saamiyo ay ku lahayd Senegal kasii iibisay shirkadda BP, ujeedkuna ahaa in uu isaga fududeeyo hawsha.

Mr Sall ayaa beeniyay eedeymaha, isaga oo arrinta ku tilmaamay olole mid ay wadaan dad isaga kasoo horjeeda.

Arrinta waxa ay la xiriirta dowladda Senegal oo sannadkii 2012-kii qandaraas shidaal iyo gaas sahmin siisay shirkad lagu magacaabo Petro-Tim , taas oo uu leeyahay nin u dhashay dalka Australia.

Shirkaddu ma aysan lahayn wax qibrad ah oo la xiriirta hawsha sahminta shidaalka, sidaas oo ay tahay waa loo saxiixay qandaraaska.

Sida lagu ogaaday baaritaanka BBC-da, Shirkadda Petro-Tim ayaa shaqaalaysiisay madaxweynaha walaalkiis, waxayna shirkadda bixisay lacag dhan $1.5 milyan, isaga oo sidoo kale loo balanqaaday in la siinayo saamiyo dhan $3 milyan oo doolar.

Sidoo kale sannadkii 2017-kii, madaxweynaha walaalkiisa waxaa loo shubay lacag dhan $250 kun doolar, iyada oo loosii marsiiyay shirkad yar oo uu leeyahay.

Madaxweyne Sall oo ka hadlay eedeymaha loo jeediyay walaalkiis ayaa sheegay in ay yihiin kuwa la doonayo in dalka lagu qaso.