You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dad telefoonno la aasay qaraabadoodii ka dhimatay si ay u wacaan
Magaalada yar ee lagu magacaabo Otsuchi, oo ku taalla dhinaca waqooyi ee dalka Japan, 2,000 oo qof ayaa ku dhintay markii ay musiibadii Sunaamida ka dhacday sannadkii 2011-kii, tan iyo xilligaasna dadkii ehellada la ahaa kuwa dhintay waxay isticmaalaan telefoon ay sheegeen inay kala hadlaan qabuuraha.
Mid kamid ah dadka deegaanka, oo horayba ugu baroor diiqayay ina adeerkiis, ka hor Sunaamida, ayaa la yimid fikirka ah in telefoon aan fiilo ku xiriirsaneyn la dhigo gunta qabrigiisa.
Wuxuu wici jiray lambarkii uu lahaa ina adeerkiis, kadibna wuu la hadli jiray, isagoo aaminsan "in dabeyshu ay codkiisa gaarsiineyso meydka qabriga ku aasan".
Ka dib markii ay dhacday Musiibadii Sunaamida, warkii ku saabsanaa telefoonka qabrigana uu faafay, dad badan ayaa u yimid magaalada Otsuchi, si ay u wacaan dadkoodii dhintay.
Kumannaan ruux ayaa telefoonkan u adeegsaday inay dadkoodii dhintay kala hadlaan tan iyo markii ay misiibada dhacday 2011-kii.
Nin ka mid ah dadkaas, xaaskiisa ayaa ku dhimatay biyihii sunaamida, waxayna arrintaas sabab u noqotay inuu kaligiis koriyo 4 carruur ah oo ay isu dhaleen.
Hadda wuxuu u imaadaa inuu telefoonkaas iyada kala hadlo.
"Waan ogaa inuusan qofna ii jawaabi doonin, laakiin waxaan dareemayay inay xaaskeyga i maqleysay, marka waxaan u sheegay in gabdhaheenna iyo aniguba aan meydkeeda raadineynay muddo dheer, aana ka quusannay helitaanka meydkeeda, laakiin maalintii ugu danbeysay aan helnay. Waxaa kale oo aan ku dhahay: 'Waan ogahay inaadan noo soo noqon karin, balse aniga ayaa mustaqbalka kuu imaan kara'. Markii aad indhaha isku qabato waxaad dareemeysaa sidii inuu qof ku dhageysanayo. Aad iyo aad ayaan u faraxsanaa", ayuu yidhi.
Ninkan kale, wuxuu musiibada ku waayay wiilkiisa.
Xaaskiisuna waxay geeriyootay 4 sano ka dib.
Isagoo la hadlaya wiilkiisa dhintay ayuu yidhi: "Hello Noboyuki, waa aabahaa qofka kula hadlaya, maxaad sameyneysaa hadda?, makula joogtaa hooyadaa?. Waxaa laga joogaa 8 sano markii ay dhacday musiibadaas sunaamida, hooyadaa markii ay iga tagtayna waxaa kasoo wareegtay 4 sano, walina waxaan isku dayayaa inaan nolosha sii amba qaado, waan idiin soo noqon doonaa mar kale xilliga uu jiilaalka imaado, waad mahadsan tahay Noboyuki. Haddii aan kulligeen halkaan isla wada joogi lahayn - hooyadaa, aniga iyo adigaba - xaaladdu sidaan wey ka fiicnaan lahayd. Waxaan ku dadaali doonaa inaan nolosha iska sii wato, fadlan hooyadaa ka war qab oo xannaanee, nabadgalyo".