You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ra'isal wasaaraha Itoobiya oo Afur u smeeyey qaar ka mid ah Culimada dalkaasi
Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa qarsiga madaxtooyada Afur iyo Casho ugu sameeyey qaar ka mid ah Culimada Islaamka dlkaasi.
Warkan oo aan ka soo xigannay xafiiska Ra'isal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegaya inuu Dr Abiy Axmed culimada islaamka dalka Itoobiya uu Afurka iyo Cashada ugu sameeyey qasriga madaxtooyada uu u soo jeediyey hambalyo ku saabsan bisha barakeysan ee Ramadhaan.
"Bishan Ramadhaan waa bil astaan u ah nabadda, midnimada, iscafinta, sadaqada iyo dib u heshiisiinta" ayuu yiri Dr Abiy Axmed.
"Haddaba acmaasha wanaagsan oo bisha Ramadhaan ay Muslimiintu sameeyaan waxaa loo baahan yahay iney bilaha kalana sii wadaan culimadana waxaa la gudboon wanaagga ay diinta islaamka leedahay iyo bishan Ramadhaan waxa ay gaarka la tahayba waa iney muslimiinta baraan" ayuu yiri.
"Sida ay muslimiinta quluubtooda u nadiifinayaan bishan Ramadhaan si la mid ah waa iney maalinta Axadda horteenna ay isugu soo baxaan sidi ay u nadiifin lahaayeen xaafadaha iyo goobaha ay ku nool yihiin" ayuu muslimiinti afurka iyo cashada ka soo qayb gashay uu u gudbiyey."