Muqdisho ma waxaa soo foodsaartay khatar baaxadwayn?

MUQDISHO

Xigashada Sawirka, CABDIFITAAX JAANTE

Qoraalka sawirka, Muqdisho
    • Author, Xasan Cabdullahi Haybe
    • Role, Soosaare, BBC Soomaali

Magaalada Muqdisho waxaa soo foodsaartay arrin khatar ah oo khalkhal siyaasadeed keeni kartay, ka dib markii uu soo yeeray war been abuur ah oo ay Idaacad Muqdisho ku taalla billawday ka dibna warbaahinno kale sii baahiyeen, baraha bulshadana ku sii faafay, sida uu qabo tifaaftiraha wargayska Xaqiiqa Times Yuusuf Xasan.

Arrintaas ayaa ah in si been ah loo tabiyay in Ra'iisulwaare Xasan Cali Khayre uu madaxweynaha ka aqbalay in uu xilka banneeyo.

"Waxa lala hadlayaa waa shacabkii, warka beenta ah ee loo sheegaa wuxuu keeni khatar baaxad wayn oo ay ka mid yihiin, colaad galin, khalkhal siyaasadeed iyo Mid dhaqaale." Ayuu yiri Yuusuf Xasan oo horay uga soo shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa markiiba ka jawaabay oo barihiisa bulshada soo dhigay in warkaasi uusan sal iyo raad toona lahayn.

"Cabdinuur iyo madaxtooyadu way dadaaleen balse dadka oo dhan baraha bulshada ma isticmaalaan marka waxay ahayd in warbaahinta qaranka laga sii daayo beenaynta warkaas," ayuu intaas ku sii daray Yuusuf.

Inkastoo madaxtooyadu beenaysay warkaas, haddana warbaahintii arrintaas baahisay durba kama aysan laaban oo ma caddayn in warka ay tabiyeen uu been ahaa.

"Idaacaddii warka beenta ah tabisay ayaan la hadlay waxaana u sheegay in ay been tahay, loona baahan yahay in ay dadka u sheegaan in ay khaldkan tabiyeen, balse waxay ku adkaysteen in warku sax yahay oo ay ka xaqiijiyeen ilo kale." Ayuu yiri Cabdinuur.

Sidee bay saxaafadda Soomaalidu uga hortagi kartaa wararka been abuurka ah?

Markii warka beenta ah ee iscasilaadda Ra'iisulwasaaraha ay soo yeertay ka dibna baraha bulshada ay ku sii faaftay waxaa arrintan feejignaan ka muujiyay oo aan tabinin warbaahin badan iyo saxafiyiin badan oo Muqdisho ku sagan.

"Warkan markii aan maqlay waxaan la xiriiray xafiisyadii iyo dhinacyadii ay khusaysay, waxyaabahaas oo kale iyo xanta siyaasaddana marka ay soo yeeranna waa in aad la isaga ilaaliyaa," ayuu yiri Cabdicasiis Golf oo ah tifaaftiraha barta Jowhar.

"Warbaahin waxaa ceeb ugu filan in ay been sheegto," ayuu yiri Yuusuf Xasan oo leh khibrad badan oo saxaafadeed.

Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Abdinur Mohamed Ahmed/facebook

Qoraalka sawirka, Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya

Dhanka kalana agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in saxafiyiintu ay iska hubiyaan wararka ka hor inta aysan baahin, isla markaasna ay dawladdu diyaar u tahay in ay siiso macluumaadka ay saxafiyiintu u baahan yihiin.

"Waddanku shuruuc buu leeyahay, sharci la'aan ma aha 1960 iyo wixii ka dambeeyayba shuruuc badan baa la sameeyay, shuruuc waxaa jira beenta iyo borobogaandada xaddidaysa, kuwo sumcad dilka la xiriira ayaa jira, kuwo kale oo qabyo ahna way jiraan" ayuu yiri Cabdinuur.

"Ayadoo saxafiyiinta xorriyaddooda iyo madax bannaanidooda aan la dhaawacayn haddana waa in ay jirtaa qaab aan ku wada shaqaynno, si waxan meesha looga saaro".

"Haddii Dr aan xirfad lahayn uu qalliin khaldan sameeyo, hal bukaan ayuu dilaa, balse qofka wariyaha ah ee bulshada la hadlaya ee indha u ah, ee dhagaha u ah ee dawldda xogaheeda in uu ka qaado oo shacabka u gudbiyo loo baahan yahay, sidoo kalana loo baahan yahay baahiyaha shacabka intuu soo qaado iyo qaylo dhaantooda in uu soo gudbiyo masuuliyad dheeri ah ayaa saaran, dhakhtarkaas aan xirfadda lahaynna waxaa ka halis badan wariyaha aan xirfadda lahayn, waayo kumannaan ruux ayuu quluubtooda wasakhayn karaa." ayuu intaas ku sii daray Cabdinuur oo la hadlay BBC.

Mararka qaar waxaa rumooba warar ay bulshadu isla dhex marto oo dawladduna ka gaabsato in ay si cad uga hadasho waxaana middaas tusaale fiican u ah xiritaankii Cabdikariin Qalbi dhagax.