You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhacdooyinka waawayn ee dunida laga filayo
Waa maalin cusub oo Isniin ah, in badan oo dalalka caalamka ka mid ahna toddobaadku maanta ayuu u billawday, inkastoo aanaan iska dhigayn in aan naqaanno wax kaste oo dhici doona toddobada maalmood ee soo socda, haddana waxaan sawir idinka siinaynaa waxyaabaha la filan karo.
Waa kuwan qaar ka mid ah waxyaabaha muhiimka ah ee dhacaya toddobaadkan.
In dib loo dhigo iyo in aan dib loo dhigin
Maxaa socda?
Hoggaamiyeyaasha Midawga Yurub ayaa kulmaya Arbacada, si ay u falanqeeyaan in dib loo dhigo taariikhda ka bixitaanka Britain ee Midawga.
Maxay muhiim u tahay?
Sida la dajiyay Britain ayaa Midawga Yurub isaga bixi doonta Jimcaha: sida kali ah ee arrintaasi ku baaqan karto ayaase ah in hoggaamiyeyaasha Midawga Yurub ay ogolaadaan dalabka Ra'iisulwasaaraha Britain Theresa May ee ah in dib loo dhigo taariikhda bixidda.
Shirkan degdegga ah ee ka dhacaya Brussels ayaa looga doodi doonaa dalabkii ay soo gudbisay toddobaadkii hore ee ahaa in dib loo dhigo ka bixitaanka tan iyo bisha Juunyo, arrintaas ayaana timid ka dib markii dawladda Britain ay ku heshiin wayday qaabka loo dhigayo heshiiska ka bixitaanka.
May ayaa rumaysan in dib loo siidhigo taariikhda ka bixitaanka Britain haddii loo baahdo si looga baaqsado in Britain ay isaga baxdo Midawga iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin Midawga Yurub, arrintaas oo hoggaamiyeyaasha Britain iyo qaar badan oo xildhibaannada ka mid ah ay rumaysan yihiin in ay dhibaato u horseedi karto ganacsiga, ayna mashaakil ka abuuri karto dekedaha.
In jimcaha la billaabo ka bixitaanka Britain ee Midawga iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin ayaa ah mid aan aad loo filayn, balse sida qorshahan uu ku socdo waxaa looga bartay in uu yahay mid aan la saadaalin karin.
2) Codaynta Hindiya
Maxaa dhacaya?
Coddaynta doorashada guud ee Hindiya ayaa billaabanaysa Khamiista waxayna socon doontaa tan iyo 19 bisha May, sababtu waxay tahay in ay coddaynta xaq u leeyihiin 900 oo milyan oo ruux, waana dimuqraadiyadda ugu tunka wayn dunida oo dhan.
Ahmiyad intee la eg ayay leedahay?
Inkastoo Shiinuhu uu hadda yahay dalka ugu dad badan adduunka oo tiradiisu ay tahay 1.39 bilyan oo ruux, Hindiya oo dadkeedu hadda yahay 1.34 bilyan oo ruux ayaa dhawaan kala wareegi doonta kaalintaas. Midkii ku gacan sarreeya ayaana noqon doona dalka ugu dad badan adduunka.
Narendra Modi oo ah Ra'iisulwasaaraha talada haya ayaa filaya in uu mar kale soo laabto. Balse dadka arrintan ka faalooda ayaa ku kala qaybsan in uu aqlabiyad ku guulaysan karo, wuxuuna tartan kala kulmayaa Rahul Gandhi oo mucaaradka hoggaaminaya.
BBCSomali.com ayaan idiinku soo gudbin doonaa wararka doorashadan.
3) ... Israa'iil ayaa sidoo kale doorasho u dareeraysa...
Maxaa socda?
Hindiya oo kali ah ma aha dalka hoggaamiye dooranaya: Sidoo kale doorasho ayaa ka dhacaysa Israa'iil Talaadada, Ra'iisulwasaare Benjamin Netanyahu ayaana rajaynaya in uu xilka ku soo laabto markii shanaad.
Ahmiyad intee la eg ayay leedahay?
Haddii uu ka guulaysto Benny Gantz oo ah taliyihii hore ee ciidammada qalabka sida ee Israa'iil, Netanyahu wuxuu noqon doonaa Ra'iisulwasaarihii ugu mudada dheeraa ee Israa'iil ka arrimiya.
Cod arruurinta la sameeyay ayaa tilmaamaysa in ay macquul tahay in arrintaasi qabsoonto, waxayna u muuqataa in isbahaysiga Netanyahu ee garabka midig uu ku gacan sarrayn doono.
Waxaa iyadana u qalma in isha lagu hayo qolyaha waddiniyadda ku kalax tagay sida ay ku warramayso wariyaha BBC Yolande Knell.
Xisbiga Zehut ayaa talada qaban kara waxayna meel adag iska taageen Falastiiniyiinta, waxayna ku baaqayaan in la sharciyeeyo daroogada cannabis.