You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xuska Sanadguuradii koowaad ee dibadbaxyada Qaza iyo rabshado horleh oo ka dhashay
Kumannaan Falastiiniyiin ayaa maanta gelinka dambe isugu soo baxay Qaza si ay u xusaan sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay dibadbaxyadii uu dhiigga badan ku daatay ee ka dhacay darbiga ay Israa`iil ka dhistay xadka Qaza.
Ku dhawaad 200 oo dibadbaxayaal ah ayaa ku dhintay xabbado ay ciidammada Israa`iil ku fureen xilligaas, waxaana sidoo kale ku dhintay hal askari oo Israa`iil u dhashay.
Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in hal nin ay ciidammada Israel ku dileen meel u dhow derbiga
Warbixinta wariyaha BBC Yolande Knell, uu ka soo diray Magaalada Qudus waxay sheegeysaa dibadbaxyada maanta iney tijaabo adag u noqon doonta xasiloonida aan cagaha ku taagneyn ee u dhaxaysa Israa`iil iyo Xamaas, oo ah ururka gacanta ku haya Qaza.
Masar iyo Qaramada midoobay ayaa muddooyinki ugu dambeeyey ku howlanaa dhexdhexaadin ay isugu dayayaan inay ka hortagaan in xiisaddu ay sii xumaato kaddib toddobaad ay xaaladdu xumeyd.
Dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa gantaallo ku tuurayey Israa`iil, ciidammada Israa`iil ayaa iyagana weeraray dhowr meelood oo Qaza ku yaalla.
Iyadoo la filayo in dad badan ay isugu yimaadaan meel u dhow derbiga Qaza, Israel ayaa halkaais geysay ciidammo dheeraad ah.
Dibadbaxyadii hore ayaa isku beddelay kuwo rabshado wata, iyadoo dadka reer Qaza ay dhagxaan ku tuurayeen ciidammada Israa`iil.
Milatariga Israel ayaa sheegay inay keliya u fureen xabbadaha si ay Falastiiniyiinta uga joojiyaan inay u soo gudbaan dhulka Israa`iil isla markaana ay u difaacaan Israa`iiliyiinta rayidka ah.
Dibadbaxyadan maanta ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmo un ay ka harsan yihiin doorashada Israa`ii oo ammaanka uu muhiim u yahay.