You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ninka masaajidka weeraray waxa uu u dhashay dalka Australia
Booliiska dalka New Zealand ayaa xaqiijiyay in ninkii geystay weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee masaajidka ku yaala magaalada Christchurch uu u dhashay dalka Australia.
Ra'isulwasaaraha Australia Scott Morrison ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso.
Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay in maalin ka hor uu daabacay qorshihiisa, markii uu weerarka fulinayayna wuxuu si toos ah muuqaalkiisa ugu baahinayay barta uu ku leeyahay Facebook.
Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in ay muuqaalka ka saari doonto hawada, sababtuna tahay heerka dhibaatada uu muujinayo awgeed iyo si aanan loo dhiirogalinin dadka kale ee wax damacsan.
Illaa 4 qof oo uu ku jiro ninka weerarka geystay ayaa la xirey, inkasta oo qof dib laga siidaayay.
Waxa uu lahaa astaan kasta oo abaabul, waxayna u egtahay in ninka uu weerarka qaaday xilliga salaadda jimcaha oo dadka muslimiinka intooda badan ay masaajidada tagaan.
War qoraal ah oo kasoo baxay Qasriga Boqortooyada Ingiriiska oo dowladda New Zealand ay hoos tagto ayaa loogu tacsiyeeyay ehaladii dadkii weerarka ku baxay.