You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Itoobiya/Jabuuti : Heshiis laga gaaray dhuumaha qaadaya shidaalka dhulka Ismaamulka Soomaalida
Dowladaha Jabuuti iyo Ethiopia ayaa magaalada Adis Ababa ku kala saxiixday heshiis ku aaddan shidaalka laga soo saarayo gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Heshiiskan oo balaayiin dollar ku kacaya ayaa waxaa la isku af gartay in shidaalka Ethiopia ay ka soo saareyso dhulka Ismaamulka Soomaalida laga dhoofiyo dalka Jabuuti.
Heshiiskaan dhuumaha shidaalka looga soo qaadayo Itoobiya ayaa gaaraya 767km, kaas oo isku xiraya labada dal.
Wasiirska Macdanta iyo Shidaalka ee Itoobiya Dr Samuel Hurcato iyo Wasiirka Tamarta Jabouti Mr Yonis Guedi ayaa heshiiskaan ku kala saxiixday magaalada Adis Ababa.
Dr Samuel ayaa sheegay in heshiiskaan oo la saxiixay kadib wadahadal dheer ay ka faa'iidi doonaan labada dal.
Markii uu dhamaado mashruucaan ayaa waxa dalakaan soo geli dooonta lacago qalaad oo badan, waxa uuna sidoo kale abuuri doonaa shaqooyin badan.
Mr Guedi ayaa isna dhankiisa sheegay in mashruuca uu sii wanaajin doono xiriirka muddada dheer ee labada waddan.
Ku dhawaad 700 km oo dhuumo shidaal ah, oo ka soo bilaabanaya Calub Hilala ilaa iyo Djibouti soohdinteeda ay la wadaagto Itoobiya, halka 67km ay tahay gudaha dalka Djibouti.
Sida heshiiska ku xusan, dhismaha dhuumaha shidaalka ayaa waxa uu bilaabanayaa sanadkaan waxa uuna socon doonaa muddo laba sanadood ah.