Haweenay u dabaaldegtey dilkii Mahtama Gandhi oo lagu xirey Hindiya

Guddoomiyaha dadka aaminsan diinta Hinduuga oo ay siyaasaddoodu tahay midigta fog ee ku nool dalka India ayaa xabsi loo taxaabay kaddib marki ay iska soo duubtay muuqaal iyada oo bustoolad ku dhufaneyso sawirka Mahtama Gandhi.
Haweeneydan siyaasaddeedu tahay midigta fog waxay iska soo duubtay muuqaal iyada bistoolad ku dhufaneyso sawirka halgamaaga dalka India ee Gandhi.
Hindida Mahasabha ayaa diyaariyey munaasabad lagu xusayo sanad guurada 71-aad ee ka soo wareegtay dilka Gandhi.
Muuqaalka ay Pooja Pandey soo dhigtay waxay sawirka ay u toogatay kaddib kaddib markii sawirka Nathuram Godse, oo toogtay hoggaamiyaha madaxbanaan lagu soo bandhigay munaasbd lagu xusayo dilka Gandhi .
Hinduuga ay siyaasaddoodu tahay midigta fog qaarkood waxay aaminsan yihiin inuu ahaa nin ay siyaasaddiisu dhexdhexaad tahay.
Booliska ayaa Ms Pandey ku raad joogay tani iyo marki muuqaalka laga soo duubay ay taageerayaasheeda toddobaadki hore soo dhigeen baraha bulshada.
Laba Kooxood oo boolis ah ayaana loo xil saaray baadigoobka iyo soo qabashada haweeneydaasi iyo seygeedaba.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida oo kale waxay booliska qabqabteen dad badan oo ay la xidhiidhiyeen muuqaalkan la soo duubay oo muujinaya sawirka Gandhi oo ay haweeney xabbad la dhaceyso iyaga oo ku soo beegmay 30-ka January ee la dilay.
Askari Boolis oo la yirahdo Neerai Jaduan ayaa BBC-da u sheegay "toddobaad gudahii iney 9 qof kiiskan u qabqabteen".
Godse oo ah ninka Gandhii Xabadka seddex xabbo kaga dhuftay ayaa wuxuu dilka geystay 30-ka bisha January 1948-kii, wuxuu ka mid ahaa koox u ololeeysa siyaasadda Hinduuga ee Midigta Fog oo loo yaqaanno Hindu Mahasabha.
Dadka Hinduuga ayaa waxay Gandhi ku eedeeyaan inuu ahaa nin ay siyaasaddiisu dhexdhexaad tahay isla-markaana si weyn u taageero dadka muslimiinta ah oo ay colaad gaamuurtay kala dhaxeyso Hinduuga, kala qaybsanaanta siyaasadeedna ay bulshooyinkaasi soo kala dhex gashay marki ay 1947-kii ay India iyo Pakistan xornimada ka qaateen dalka Britain.
Ma aha marki ugu horreysay oo ay kooxdan hinduuga mayalka adag ay dilka uu Godse u geystay Mahtama Gandhi xilliga loo dabbaaldegayo ay si jeesjees ah u soo dhigeen.
Sanadka marka uu ahaa 2015-kii waxay Kooxda Hinduuga ay iclamiyeen iney taalla uga dhisayaan lix degmo oo ka tirsan gobolka koonfureed ee Karanataka, iyada oo gobolka oo dhan ay ka soo cusboonaadeen mudaharaadyo.












