Ma laga yaabaa in buuggaan uu xal u bidhaamiyo waalidiinta qurba joogta?

Xigashada Sawirka, RUQIYA ABDI
Ruqiyo Cabdi oo ka mid ah Soomaalida deggan gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka, ayaa dhawaan qortay Buug ay ugu magac dartay Waalidnimo Wanaagsan.
Buugga Waalidnimada Wanaagsan ayey Ruqiyo ku sheegtay ujeeddada ay u qortay iney tahay inuu ku hago waalidiinta qurbaha sidii ay dhallaankooda ula dhaqmi lahaayeen.
''Waxaan soo bartay sida caruurta loola dhaqamo marka ay dhashaan ilaa iyo inta ay ka garaan xilliga qaan gaarka'', ayay tiri Ruqiyo.
Ruqiyo ayaa sheegtay in ay dalka Mareykanka daganayd ilaa dhawr iyo labaatan sano, isla markaana ay khibrad u leedahay farqiga u dhaxeeya sida caruurta qurbaha loo koriyo iyo kuwa ku kora Soomaaliya.
''Sida ay carruurta u koraan, sida maskaxdooda loo kobciyo iyo wax barshdooda ayaan khibrad u leeyahay'' ayay Ruqiyo Cabdi sii raacisay hadalkeeda.
Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa buugan soo dhaweeyay.
Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ah Imaamka Masaajidka Darul Hijra oo buuggaasi akhriyey, ayaa weriye Siyaad Saciid Saalax u sheegay in buugaan uu yahay mid aad u anfacayaa waliddinta qurbaha sababtoo ah waxa uu yiri waxaa qortay hooyo ilmo ku korisay Soomaaliya iyo gobolka Minnesota-ba, sidaa darteed aad bay u taqaanaa sida loola dhaqmo caruurta.
''Waxa uu buugga ku siinayaa talooyin wanaagsan oo ku saabsan sida caruurta loola dhamo'', ayuu yiri Shariif.
Inta badan waalidiinta qurba joogta ah iyo caruurtooda ayaa isku dhib qaba, sababtoo ah isma fahmaan oo waxaa caruurta badda la bay'ada ay ku noolyihiin oo uu ka jiro dhaqan iyo sharci ka duwan kan Soomaaliya amaba Afrikaba, marka sidaa darteed caruurta ayaa intooda badan qaata dhaqamadaasi taasi oo waalidkana ku khasabta in ay ka soo horjeestaan rabitaanka caruurtoda, waxayna mararka qaar caruurtooda usoo celiyaan Afrika si dhaqan-celis loogu sameeyo.











