Mareykanka oo sheegay in 62 Al-shabab ah ay duqeyn ku dileen

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in ay dileen 62 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabab ee ka howlgala dalka Soomaaliya.

Dagaalyahanadan ayaa lagu dilay 6 duqeyn oo ay Mareykanka ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.

Afar weerar oo dhanka cirka ah oo dhacay Sabtidii ayaa waxaa lagu dilay 32 ka tirsan Al-Shabab.

28 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabab ayaa waxaa sidoo kale Axaddii lagu dilay labo weerar oo kale.

Militariga Mareykanka ayaa waxay sheegeen in duqaymahan ugu dambeeyay oo ay iska kaashanayeen militariga Soomaaliya aysan wax dad rayid ah ku dhiman.

Kooxda Al-Shabab, oo gacan saar la leh urur waynaha al-Qacidda, ayaan wali ka hadlin weeraradan ugu dambeeyay.

Waa weeraradii dhanka cirka ee ugu dhimashada badnaa tan iyo bishii November 2017 markaasi oo ay Mareykanka sheegeen in ay dileen 100 mintidiinta Al-Shabab ah.

Duqeymaha ay Mareykanka ka gaystaan Soomaaliya ayaa korhay tan iyo intii uu xilka qabtay madaxwayne Donald Trump bishii January 2017.

Weeraradan ugu dambeeyay ayaa tirada duqeymaha laga fuliyay Soomaaliya sanadkan ka dhigaysa 40 taasi oo ka badan weeraradii la fuliyaay 2017.

Mareykanka ayaa saldhig ballaaran ku leh dalka Jabuuti halkaasi oo weerarada laga soo qaado.

Mr Trump ayaa militariga Mareykanka siiyay ogolaanshiyo bishii March 2017 taasi oo ah in ay weeraro ka dhan ah Al- Shabab ay fulin karaan.

Kooxda Al-Shabab ayaa wali gacanta ku haysa qaybo ka mid ah dalka Soomaliya,waxa ayna wali awood u leeyihiin in ay fuliyaan weeraro ismiidaamin ah.