Wasiir iisu casilay arrimaha ka taagan Koonfur Galbeed

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee Soomaaliya Cabdi fitaax Ibraahim Geeseey ayaa maanta iska casilay xilka wasiirnimada isaga oo u sababeeyey faragelinta ay dowladda dhexe ku hayso arrimaha siyaasadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Shir Jaraa'id uu wasiirku ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu kaga dhawaaqay inuu xilka uu ka hayey xukumadda Federaalka ee Soomaaliya inuu iska casilay.
Wuxuuna sheegay inuusan jirin sharci dowladda u fasaxayo iney faragelin ku sameeyso Maamullada dowlad goboleedayada dalka ka jira isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay Koonfur Galbeed.
Sida oo kalana aysan jirin meel go'aan looga gaaray in doorashada laga reebo lana soo xiro Muwaaddin Muqtaar Roobow Cali Abu-Mansuur oo Koonfur Galbeed u dhashay.
Mukhtaar Roobow oo ah musharraxa u tartamayey doorashada madaxweynanimada ee ka dhacesyo Koonfur Galbeed in laga hor istaago isla markaana dowladda dhexe ay xabsi dhigto ay tahay xad gudub.
Dowladda dhexe ee Soomaaliya oo aan wax tixgelin ah siinin Dastuurka ku meel gaarka ee dalka isla-markaana ku guul darreysatay iney wixi khilaaf ee jira wadahadal lagu dhammeeyo.
Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee Soomaaliya Cabdi fitaax Ibraahim Geeseey ee iscasilay wuxuu ka mid yahay Golaha Xildhibaannada Federaalka Soomaaliya.
Waxa uuna baaq udiray dhinacyada dhaqanka Ee Ka soo Jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo kaashanaya shacabweynaha iney ka shaqeeyaan sidii Gobolka looga soo dabbaali lahaa nabadgalyo waarta iyo xasilooni.
Wuxuuna u mahadceliyey madaxda dowladda dhexe sida wanaagsan ee ay u soo wada shaqeeyeen muddadii uu xilka wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee Soomaaliya uu u soo hayey qaranka.
Seddexda Musharrax ee Maanta Baarlamaanka Koonfur Galbeed Khudabadahooda Doorashada ka soo jeediyey

Xigashada Sawirka, MUHYADIN HUSNI

Xigashada Sawirka, MUHYADIN HUSNI

Xigashada Sawirka, MUHYADIN HUSNI
Odayaasha Koonfur Galbeed maxay ku Baaqeen?
Xili ay maanta magaalada Baydhabo lagu qabtay kullan ay musharaxiinta u tartameysa doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay ku soo bandhigaan khudbadahooda ayaa odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed waxaa ay shegeen inay haboontahay in doorashada dib loo dhigo.











