Guddoomiyaha Baarlamaanka: Degdeg ha loo sii dayo Mukhtaar Rooboow

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan oo dowladda ugu baaqay iney degdeg u sii deyso Shekh Mukhtaar Rooboow Cali Abu-Mansuur.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan shir jaraa'id oo uu qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu kaga hadlay arrima badan oo taabanaya siyaasadda dalka, tan koonfur galbeed iyo xarigga Mukhtaar Rooboow.

Qoraalka Codka, Guddoomiye Mursal oo ka hadlay xiritaanka Abuu Mansuur

Wuxuuna ugu horreyn uu tacsi u diray Xildhibaan C/shakuur Shekh Yacquub oo lagu dilay magaalada Baydhabo iyo dadki ku nafwaayey rabshadihi maalmahan ka dhacayey magaalada Baydhabo isaga oo ku baaqay in nabadda la soo celiyo.

Wuxuuna sida oo kale sheegay sida uu qbo dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya "muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay in la dooran karo waxna uu dooran karo, Mukhtaar Rooboowna waa muwaaddin Soomaaliyeed oo buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay Musharraxa sida ay caddeeyeen guddiga doorashada ee Koonfur galbeed isla-markaana guddoonsiiyey shahaada musharraxnimo oo ah inuu u tartami karo doorashada ka dhaceyso Koonfur Galbeed.

Sida uu dhigayo dastuurka dalka Soomaaliya qofna lama xiri karo xarig aan sharciga waafaqsaneen, awoodda dowladdana looma isticmaali karo meel ka dhaca ka dhan ah karaamada iyo xuquuqda aadanaha ee muwaaddinka.

Waxaana nasiib darra ah ayuu yiri "iney dhimasha, dhaawac iyo hanti burbur ay ka dhalato qabashadii Mukhtaar rooboow oo loo soo xiray si baal marsan sharciga maadaamaa aan amar maxkamadeed lagu soo qaban."

bbc
Qoraalka sawirka, bbc

Guddoomiyaha baarlamaanka muxuu ku baaqay?

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu soo jeediyey baaq wuxuuna yiri:

  • Waxaan ku baaqayaa in Shacabka reer Koonfur Galbeed ay isdajiyaan nabaddana adkeeyaan sharcigana dhawraan;
  • In guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay dib u dhigaan doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed inta laga helayo jawi xasiloon oo ku habboon qabashada doorasha xor oo xalaal ah;
  • In ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka shaqeeyo dajinta iyo qancinta shacabka iyo dib u soo celinta kala dambeynta;
  • In odayaasha dhaqanka ay muujiyaan kaalintooda dhaqanka ee ay ku leeyihiin nabadda iyo wadajirka guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaanna Koonfur Galbeed;
  • In musharraxa xiran xurriyaddiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan loona oggolaado inuu dib uu ugu noqdo deegaanki laga soo xiray si uu uga mid noqdo musharraixiinta u tartamaya qabashada xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha siyaasadda Muqdisho ka taagan muxuu ka yiri?

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan shirka jaraa'id oo uu qabtay waxaa kale uu kaga warramayey xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho gaar ahaan arrinta Mooshinka ee ay xildhibaannada Golaha ku kala qaybsameen.

Guddoomiye Mursal wuxuu sheegay in cabburin lagu hayo xildhibaannada isaga u iman lahayd sidaa darteedna uu uga soo guuray halki uu degganaa uuna u soo guuray halka uu hadda deggan yahay isaga oo xukumadda ka dalbaday in la ilaaliyo xorriyadda isu socodka Xildhibaannada Golaha.

Wuxuuna yiri "bariyahan dambe waxaa billaabatay in xildhibaannada loo diido iney u soo gudbaan deegaanka aan anigu degganahay, waxaan leeyahay arrinkaasi arrin wanaagsan ma aha, baarlamaankana xor ayuu ka yahay golaha fulinta wuuna ka madax bannaan yahay."

Marka xukumadda waxaan leeyahay ayuu yiri "waa iney ilaalisaa sharciga waddanka u yaalla iyo dastuurkaba xildhibaannada waa in loo oggolaadaa xor iney u noqdaan dhaqdhaqaaqooda."

.
Qoraalka sawirka, Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Muxuu xal u arkaa hoggaanka dalka ee kala taagan?

Tani iyo intii ay 92 xildhibaan oo ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya ay soo jeediyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed cabdullaahi farmaajo waxaa siyaasad ahaan kala taagan hoggaanka dalka iyada oo baarlamaanka iyo guddoomiyeyaashiisuba ay ku kala qaybsan yihiin mooshinka madaxweynaha laga soo jeediyey iyo habka loo soo gudbiyey.

Ka biloow bidix : Guddoomiye Mursal, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isulwasaare Kheyre

Xigashada Sawirka, Villa Soomaaliya

Qoraalka sawirka, Ka biloow bidix : Guddoomiye Mursal, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isulwasaare Kheyre

Guddoomiye Mursal mar uu arrintaasi xalkeeda waxa uu u arko uu ka hadlayeyna wuxuu yiri "Haddii ay dhaqdhaqaaqa xildhibaannada ay noqoto in ay iisu gudbi waayaan wax la xallin karo malahan, aniga waxaan halkan ugu soo wareegay ee ugu muhiimsan waxaa weeye inaan arko xildhibaannada oo si xor ah u dhaqdhaqaaqaya."

"Deeganki hore ee aan degganaana ma noqon mid suuragelin kara mid si xor ah ay xildhibaannada isugu socdaan iiguna soo gudbaan, marka halkan waxaan rabaa iney noqoto meel ay xildhibaannadu si xor ah iigu iman karaan" ayuu yiri.

Waxaanna rabnaa ayuu yiri "in xildhibaannada laga daayo goobaha (check point) ee lagu celinayo wixii la xallin karana xal aan u raadinno, halkanna uma soo degin buuq iyo rabsho marka waxaan rabaa dastuurka ku meel gaarka ah in la ilaaliyo, Soomaaliyana waxaa u wanaagsan inaan sharciga dib ugu soo celinno ee ma aha inaan fowdo ku sii soconno."

Muqdisho maxaa maanta ka socda?

Sida uu nooga soo warramayo wariyaheenna Magaalada Muqdisho Ibraahim Aadan, waxaa magaalada muqdisho ka socda shir ay leeyihiin xildhibaannada ka soo horjeedda mooshinka madaxweyne Maxamed Cabdulaahi farmaajo laga soo jeediyey 9-kii bishan.

Xildhibaannadaasi mooshinka ka soo horjeedana waxaa la filayaa iney ka hadlaan aragtidooda ku aaddan sida ay ugu aragti duwan yihiin guddoomiyaha iyo xildhibaannada kale.

.

Xaaladda Baydhaba

Saaka magaalada Baydhaba waxay markale kale ku waa bariisatay mudaharaadyo waaweyn oo ay shacabku si nabad ah u dhigayaan.

Shacabkuna mudaharaadyadooda waxay ku dalbanayaan Shekh Mukhtaar Rooboow Cali Abu-Mansuur oo laba maalmood ka hor ay dowladda Soomaaliya ka soo xirtay magaalada baydhaba in la sii daayo.

Mudaharaadyada markay billaawdeen kaddib waxaa magaalada la soo galiyey ciidamada dowladda federaalka, booliska, nabad sugidaa iyo ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya.

Waxayna ciidamadu si wadajir ah magaalada oo dhan uga billaabeen howlgal ka dhan ah mudaharaadayaasha iyada oo la sheegay in la soo xiray boqollaal shacab ah ayna ku xiran yihiin saldhigga booliska.

Xaaladda magaalada ayaa hadda deggan iyada oo dhammaan waddooyinka magaalada Baydhaba lagu arkayo ciidama tira badan oo wata gawaarida gaashaaman.