Saxafiga Soomaaliyeed ee naafada ah, kana dhaga adeegay dhaqanka soo jireenka ah

Cabdirisaaq Maxamed Cali
Qoraalka sawirka, Cabdirisaaq Maxamed Cali

Maanta dunida waxaa laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee dadka qaba baahiyada gaarka ah, waxayna ujeeddadu tahay in bulshadu ay fahanto xaaladda dadkaasi qaba baahiyada gaarka ah isla markaana bulshada lagu wacyi geliyo taageerada iyo gacansiinta dadkaasi.

Sidoo kale maalintani ayaa loogu tala galay in la muujiyo dadka qaba baahiyada gaarka ah ee haddana nolashooda caadiga u maareeya.

Cabdirisaaq Maxamed Cali waa Suxufi reer Jabuuti ah oo ka mid ah dadka qaba baahiyada gaarka ah balse ku shaqeysta xirfaddiisa suxufinimo.

Cabdirisaaq ayaa shaqada suxufinimada ku biiray sannadkii 2002-dii.

Telefishinka qaranka ee dalka Jabuuti ayuu ka soo daadihiyay barnaamijyo kala duwan, barnaamijyada uu soo qabtayna waxaa ka mid ah barnaamij looga hadlo baahiyaha gaarka ah ee dadka naafada ah.

Caqabadaha uu wajahay Cabdirisaaq

Cabdirisaaq ayaa dhibaatooyin badan la kulmi jiray xilliga uu dadka waraysiyada ka raadinayo, waxaana mar wax laga weydiiyay dhibaatooyinkas uu ku jawaabay "Baahida gaar ah dadka waxa ay u arkaan inay tahay tan muuqata, haddii uu qofka isku qufulo inuu leeyahay baahi gaar ah waxaa laga yaaba in qofkaas ay soo wajahdo niyad jab wayn, waxaan ahay qof baahi gaar ah leh laakiin ma dareensani waayo anigoo yar ayaan lixaad beelay waxaana u heelanahay inaan mar walba ka mid noqdo bulshada caadiga ah.

Dunida ayaa waxaa ku yar saxafiyiinta qaba baahiyaha gaarka ah, laakiin Cabdirisaaq isagu wuxuu ku qanacsantahay in isagoo naafo ah uu saxafi ahaan u shaqeeyo "marka aan telefishinka ka soo muuqdo isma qariyo muuqaalkeygana ma qariyo, baaskiilka ay dadka naafada ah ku socdaan ayaan shaqadayda ku qabsadaa"

"Shaqadan wax dhib ah oo ay igu hayso ma jiro, marka saxafinimada dadka waxa ay ku helaan magac iyo maamus waxaana jeclahay inaan shaqadaan aan ku jiro sii wado."

.

Muxuu ku dhiirri galiyay dadka qaba baahiyaha gaarka ah?

Cabdirisaaq ayaa sheegay in markii uu diyaarinayay barnaamijkan saxafinimada ah uu la kulmay dad badan oo oran jiray "maxaad isku daalinaysaa" waxaad tahay qof baahi gaar ah qaba ?

"Qofka walba oo qaba baahi gaar ah haddii uu dadaalo wuu gaari karaa meeshii uu ku hamminayay"