You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maraykanka: Waxaan dilnay 37 Al Shabaab ah
Qoraal uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika ee xaruntoodu tahay magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in laba weerar oo cirka ah ay ku dileen 37 dagaallame oo ka tirsan Al Shabaab.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerar cirka ah oo ka dhacay meel la yiraahdo "Dhabadshiil" lagu dilay shalay weerarka hore 27 dagaallame, kaasoo ahaa "ficil aan khaldamin oo ula kac ah".
Weerarka labaad oo isna ahaa mid cirka ah ayey qoraalka ku sheegeen in lagu dilay 10 dagaallame oo ka tirsan Al Shabaab.
Arrintan ayaa timid ayadoo shalay weerarro cirka ah laga soo sheegay inay ka dheceen deegaanno hoos taga degmada Xaradheere.
Idaacadda ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ee Radiyo Muqdisho ayaa iyadana sheegtay in deegaan u dhaxeeya Ceelhuur iyo Camaara ay duqayntu ka dhacday, sida ay ka soo xigatay "dadka deegaanka".
Dad jooga magaalada Gaalkacyo ayaa ayagana BBC u sheegay inay xiriirro la sameeyeen deegaannada duqayntu ka dhacday, loona sheegay in "dhowr jug oo waaweyn la maqlay, ugu yaraanna laba gaari lagu gubay duqaynta".
Waxay intaa ku dareen in loo malaynayo "in uu halkaa ku sugnaa waaliga Al Shabaab u qaabilsan gobollada Mudug iyo Galgaduud oo duqaynta isaga lala beegsanayey, kaasoo ay xarakadu dhawaan magacawday", hase yeeshee ma jiraan warar arrintaa xaqiijinaya.
Ilaa hadda ma jiraan ilo madax banaan oo sheegaya khasaare ka duwan kan Maraykanku sheegay.
Deegaannada ay duqayntu ka dhacday ayaa la aaminsan yahay in ay xoog ku leeyihiin Al Shabaab.
Maraykanku waxay sheegeen in aysan dilin "dad rayid ah".