Gabdhaha gobolka Lagos ee dalka Nigeria oo loo ogolaaday in iskuulada xijaab ku dhex xirtaan

Gabdhaha gobolka Nigeria ku yaal ee Lagos ayaa hadda loo ogolaaday in ay ku xiran karaan xijaabka iskuulada sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolkaas.

Qamaarka ay gabdhaha muslimiintu xirtaan ayaa xuddun u ahayd muran xoog leh oo ka taagnaa arintaa tan iyo sanadkii 2014kii markii maxkamada sare ee Lagos ay ka mabnuucday iskuulada.

Go`aanka ayaa waxaa labo sano kahor laga qaatay racfaan, balse Nigeria ayaa kiiska geysay maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi, kamana qaadin iskuulada xayiraadda la saaray.

Dowladda ayaa sheegtay inay haatan u oggolaan doonto gabdhaha inay xijaabka xirtaan, iyadoo weli la sugayo go`aanka maxkamadda sare.

Waxaase lagu amray in xijaabka gabadha ardayda ah ay xiraneyso uu ahaado mid gaaban oo u eg dharka iskuulka.

Waxay dowladdu sheegtay in arday aanan lagu takoori karin diintiisa.

Saheed Ashafa, oo ka tirsan ururka ardayda muslimiinta Nigeria (MSSN) oo ku sugan gobolka Lagos, ayaa soo dhoweeyay talaabadaasi.

Wuxuu cambaareeyay sida ardayda xubnaha ka ah ururkaasi loola dhaqmay, oo loo ciqaabay isla markaana loogu diiday inay kalaasyada galaan iyagoo xijaab xiran.

Go`aankan ayaa ku soo aadaya maalmo kaddib markii iskuul ku yaalla gobolka Oyo la xiray iyadoo loo diiday aradyda xijaabka xiran inay galaan iskuulkaas.

Arrintan ayaa dhalisay inay waalidiintu dhigaan dibadbaxyo, waxayna taas keentay in la xiro jaamacadda Ibadan International School.

Bulshada Nayjeeriya ayaa badankood u kala qaybsan Mulsimiin iyo Kirishtaan.

Badanaa Muslimiinta ayaa ku nool waqooyiga dalkaasi, halka ay Kiroshtaanku ku badan yihiin koofurta - inkastoo Lagos ay ku nool yihiin bulshooyin diimo kala duwan haysta.