Guryaha Islii ma u qalmaan qaalinimada?

Islii

Waxaa aad u soo badaneysa cabashada ay shacabka ka qabaan qiimaha qaaliga ah ee kirada guryaha xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, kuwaasoo qaarkood mar walba lagu sii kordhiyo lacagta.

Islii, oo ka tirsan degmada Kamukunji, waa xaafad uu ku yaallo mid ka mid ah suuqyada ugu baaxadda weyn bariga Africa waana meel ay deegaan ahaan u badanyihiin dadka Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa ka soo qaxay waddanka ay dagaallada sokeeye ragaadiyeen ee Soomaaliya.

Xaafaddan, oo ku taalla dhinaca bari ee faras magaalada caasimadda Kenya ee Nairobi, waxaa markii ugu horreysay la aasaasay sannadkii 1921-kii.

Deegaan ahaan caan ayay ahayd wixii ka horreeyay sannadkii 1991-kii, xilligaasoo ay ku soo burqadeen Soomaali ka soo gudubtay xeryaha qaxootiga dhadhaab ee waqooyi bari Kenya.

Hase ahaatee Soomaalida bartilmaameedka deegaan iyo midka ganacsi ka dhigatay Islii ayaa horseed u noqotay in xaafaddu ay noqoto mid kasii caansan sidii hore.

Ganacsiga ballaaran ee ay xaafaddan hoyga u tahay ayaa sabab u noqday in la sameeyo dhismeyaal fara badan oo deegaan ahaan iyo ganacsi ahaanba loo adeegsado.

Kirada qaaliga ah

Balse shacabka ayaa hadda si weyn uga cabanaya in qiimaha kirada guryaha ay sii gaareyso meel aad u sarreysa oo aysan awoodi karin.

Sicir bararka qiimaha guryaha la daganyahay ayaa isugu jira kuwa deegaanka ah iyo kuwa hoteel ahaan loo seexdo.

Guryaha xaafadaha ah, gaar ahaan kuwa suuqa u dhow, ayaa lagu bixiyaa lacago ay dadweynaha u arkaan kuwo xad dhaaf ah.

Meelaha qaar, 3 qol iyo fadhi ayaa kirada bishii lagu bixiyaa lacag dhan 70,000 oo shilin, oo u dhiganta 700 oo doolar.

Sidoo kale hal qol oo hoteellada la seexdo ah ayaa habeenkii lagu bixiyaa inta u dhaxeysa 5,000 ilaa 7,000 oo shilin habeenkii, taasoo u dhiganta 60 ilaa 70 doolar.

Inta baan sare u qaadista kirada guryaha ayaa lagu soo beegaa billowga sannad walba.

Mid ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Islii, oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Xasan, oo la hadlay BBC Somali ayaa sheegay in shacabku ay dhibaato badan ku qabaan arrintan ayna si joogto ah wax isaga weydiiyaan.

"Marka ay dadka isugu yimaadaan meelaha lagu kulmo waxaan isweydiinaa caqabaddaas naga heysata dhanka kirada guryaha. Dadku dhaqaale ahaan waxay u qeybsanyihiin dabaqad sare, dabaq dhexe iyo dabaqad hoose. Kuwii dabqada hoose warkooda haba sheegin iyaga, oo way isaga carareen magaalada. Annaga oo danyarta dabaqadda dhexe iska ahna waxaa mar kasta na loo keenaa ogeysiis lagu sheegayo in kiradii la badiyay" ayuu yiri Bashiir.

Sida kaliya ee dhibaatadan ay uga bixi karaan ayuu sheegay iney tahay faragalin dhanka dowladda ah.

"Mas'uuliyiinta dowladda ayaa loo baahanyahay iney wax ka qabtaan oo ay ganacsatada u jaan gooyaan qiimaha kirada guryaha, waayo guri kasta qiimihiisa waa mid u gaar ah mana jiro wax isla xisaabtan ah oo dhanka dowladda aan ka aragno".

Maxamed Jaamac Diiriye oo ku magac dheer "dhacdo", wuxuu ka mid yahay dillaaliinta guryaha ee xaafadda Islii.

Wuxuu BBC-da uga warramay waxyaabaha sababa in kirada guryaha la qaaliyeeyo iyo sida ay iyagu danta ugu jirto.

"2 arrimood ayaa sababa in sare loo qaado kirada. Mid waa in Islii ay tahay xaafad ganacsi oo dadkuna ay aad ugu sii badanayaan. Tan labaadna waa dadka milkiileyaasha ah oo xor u ah iney sidey doonaan ka yeelaan hantidooda qiimahana go'aankooda ku jaan gooya. Laakiin annagu wax dan ah nooguma jirto in kirada ay qaali noqoto, sababtoo ah qofka guri doonka ah raali kama aha qiime qaali ah, markaad u sheegtana way ka cararayaan, sidaas ayaana wax ku waaweynaa dillaal ahaan".

Maxay ku doodayaan maamulka Guryaha?

Mid ka mid ah maamuleyaasha mas'uulka ka ah guryaha shacabka laga kireeyo ee Islii oo ka gaabsaday magaciisa ayaan wax ka weydiinay sababta ay xilli kasta u kordhiyaan qiimaha kirada.

"Annaga go'aankan waxaan isla gaarnaa dadka milkiileyaasha ah waxaana sabab u ah kharashka ku baxa howlaha guriga iyo canshuurta dowladda. Dadku ma oga inaan lacago fara badan ku bixinno adeegyo ay ka mid yihiin nadaafadda, biyaha, ammaanka, shaqaalaha iyo waxyaabo kaleba. Guriga waad soo dagtay laakiin maka war qabtaa haddii uu ceelka hallaabo in lagu sameeyo malaayiin lacag ah? " ayuu yiri.

Waxaan inoo suurta galin isku day aan u sameynay inaan la xiriirno qaar ka mid ah ganacsatada guryaha leh.

Cabashada shacabka ayaa isasoo tareysay muddooyinkan, ka dib markii inta badan guryaha laga bixiyay ogeysiis ku saabsan in kirada lagu kordhinayo ugu yaraan 5,000 oo u dhiganta 50 doolar, marka la gaaro 1-da bisha Janaayo ee sannadka 2019-ka.