In ka badan 40 qof oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool

Xigashada Sawirka, Youtube
Wararka ka imaanaya deegaanka Dhumay oo 45 kiilomitar xagga koonfur galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood waxay sheegayaan in dagaal beeleed dhimasho iyo dhaawac gaystay uu halkaasi ka dhacay, sida uu caawa uu BBC-da u xaqijiyay guddoomiyaha gobolka Sool, Cabdirashiid Xuseen Cabdulle.
Guddoomiyaha oo la hadlayay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige ayaa sheegay in dad ka badan 40 qof ay ku dhinteen dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Dhumay, halka dad ka badan 80 qofna ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.
Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa codsaday in gurmad caafimaad oo degdeg ah la gaarsiiyo isbitaalka, maadaama ay adeegyada caafimaadku aad gabaabsi ugu yihiin isbitaalka.
Dadka deegaanka waxay BBC-da u sheegeen in dagaalka uu billowday saaka, isagoo socday ilaa galabta, waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay adeegsanayeen hubka culus ee tiknikada dagaalka.

Xigashada Sawirka, Youtube
Dagaallada kusoo noqnoqday deegaanka Dhumay ayaa la sheegay inay ku salaysan yihiin aano qabiil iyo dhul, waxaana dagaallada ka dhacay halkaasi ku dhintay boqolaal dad ah.
Toban maalmood ka hor ayay ahayd markii heshiis xabbad joojin ah ay gaareen beelaha colaadda isku haya, waxayna arrintaasi ka dambeysay muddo labo bilood ah ay waxgaradka deegaanka u fadhiyeen xallinta dagaalka.
Garaad Jaamac Garaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa ugu baaqay labada dhinac inay joojiyaan colaadda, isla markaasna ay ka shaqeeyaan nabadda dadweynaha reer miyiga ah ee tabaaleysan.










