Waxgaradka Ceerigaabo oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Dararweyne
Waxaa maanta degan xaaladda deegaanka Darar-weyne oo qiyaastii 100 KM dhinaca Koonfureed uga beegan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaddib dagaal beeleed shalay halkaa ka dhacay oo ay ku dhinteen 15 qof, in ka badan 25 kalana ay ku dhaawacmeen.
Dagaalkan oo lala xiriirinayo aano qabiil, ayaa waxaa haatan soconaya dedaalo xiisada lagu qaboojinayo oo ay wadaan madaxda dhaqanka iyo mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland.
Haddaba waxgaradka Ceerigaabo ayaa waxa ay soo saareen baaq ay ku dalbanayaan in colaadda lagu joojiyo, Caaqil Axmed Xasan Maxamed (Axmed Kheyr) waxa uu ka mid yahay waxgaradka baaqa soo saaray waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo ugu horreynba waydiiyay waxa uu yahay baaqa ay soo saareen?