Shirka Garoowe iyo waxa uu uga duwan yahay kii Kismaayo

Madaxda maamul goboleedyada ayaa soo gaaray magaalada Garoowe kuwaasi oo ka qeyb galaya shirka Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Garoowe.

Balse madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaanan ka mid ahayn madaxda soo gaartay Garoowe maadaama uu horay uga baxay go'aankii Maamul goboleedyada ku gaareen shirkii Kismaayo bishii hore ee September, kaasoo ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka.

Dhanka kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugana Gaalkacyo ayaa ku yimid Safar dhinaca dhulka ah halka Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Jubbaland ay diyaarad ku yimaadeen.

Madaxweynaha Puntland Dr Abdiweli Maxmed Cali Gaas oo marti-galinaya shirka ayaa BBC-da uga waramay arrimaha ay uga hadlayaan shirkaan.

Dr Gaas waxaa xafiiskiisa ku wareystay Wariye Ahmed Awil oo waydiiyey agenadaha shirkaan looga hadlayo, waxa uuna madaxweyne Gaas sheegay in waxyaabaha ay diiradda ku saarayaan shirka ay ka mid yihiin, arrimaha aminga, dastuurka dalka, khayraadka iyo awoodqeybsiga iyo doorashada dalka ka dhacaysa 2020-ka.

Mar gaas la weeydiyay waxa loo fasiran karno maqnaanshaha Mr Waare waxa uu ku jawaabay:

''Waxba looma fasiran karo ee waare isagaa gaaray go'aankaas xaqna waa uu u leeyahay go'aankiisa''.

Shirka Garowe oo la filayay inuu dhaco 10-ka bishan ayaa arrimo farsamo dib ugu dhacay, waxaana shirkan la sheegay in looga tashanayo aayaha dalka.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ah mid sii xoogeysanayay, tan iyo markii maamul goboleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii Federaalka, waxaana baaqday shir uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo oo lagu xalin lahaa tabashada ay qabeen maamul goboleedyada.