Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoomiyay golaha wasiiradda

Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoominaya golaha wasiiradda

Xigashada Sawirka, OPM

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoominaya golaha wasiiradda
    • Author, Cabdinaasir Saxansoxo
    • Role, BBC Somali, Nairobi

Shirkii golaha wasiirada ee khamiislaha maanta aad ayuu uga duwanaa shirarkii caadiga ahaa ee dhici jiray, kaliya wasiirada ma aysan soo buux dhaafinin goobtii shirka, ee sidoo kale waxaa shirka guddoominayay oo goobjoog ka ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa shirka lagu furey warbixino laga dhagaystay guddiyo xeeldheeryaal ah oo ay dowladda horey u saartay, kuwaas oo shaashad weyn lagu muujinayay, islamarkaasna si toos ah looga daawanayay taleefishinka Qaranka ee SNTV.

Halbeegyada iyo Qorshe Hawleedyada

Markii ugu horeysay waxa ay xukuumadda Ra'isulwasaare Xassan Cali Kheyre soo shaacbixisay qorshe u muuqda in intii muddo ah daaha gadaashiisa looga soo shaqaynayay, balse hadda lasoo dhamaystiray, kaas oo ku qotama waxqabadka xukuumadda oo la jaangooyay.

Jaangooyadadan ayaa ka kooban 285 halbeed iyo 1986 qorshe hawleed oo loo kala qeybiyay wasaaradaha kala duwan, lehna xilli kama dambeys ah oo ay tahay shaqo kasta in lagu soo dhamaystiro sida shirka laga sheegay.

Ra'isulwasaare Xassan Cali Kheyre oo madaxweynaha la hadlayay ayaa yiri "Adiga oo xafiiskaaga fadhiya in aad kumbutuutar gashid aad ogaatid wasaarad kasta halbeegyadeeda meesha ay marayaan, shacabka ay ogaadaan".

Xasilooni Siyaasadeed

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay xukuumadda Ra'isulwasaare Xassan Cali Kheyre, wuxuuna yiri "Waxaan oo dhan in ay qabsoomaan hal sabab ayay leedahay, taasna waa xasiloonida siyaasadda, haddii hadda aysan jirin madaxweyne, Ra'isulwasaare iyo Baarlamaan wada shaqeeya meeshan lama soo gaareen".

Balse madaxweynaha ayaa u muuqday in uu qiranayay in Ra'isulwasaaraha ay mararka qaar ku kala aragti duwanaadaan waxyaabaha qaar "Marka aan wax isku fahmi weyno waxaan u yeeranaa dad kale oo labadeenaba laga yaabo in ay naga aragti fiicanyihiin, talada ugu wanaagsan ayayna na siiyaan oo aan fulinaa", ayuu yiri Farmaajo.

Doorashooyinka

Madaxweyne Farmaajo ayaa golaha wasiiradda ka codsaday in todobaadka dambe la ansixiyo sharciga doorashooyinka si dalka horey loogu dhaqaajiyo.

Balse Kamaal Guutaale oo ka tirsan xisbiga Wadajir ayaa fariin uu kusoo qorey baraha Bulshada ku dhaliilay go'aankaas madaxweynaha, wuxuuna sheegay in markii ugu dambeeysay ee ay kulmeen xisbiyada siyaasadda iyo dowladda ay ku heshiiyeen in sharciga doorashooyinka la galiyo wada tashi, taasna aanan weli la samaynin.

Isla xilqaam

Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha ayaa labaduba carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si iskaa wax u qabso ah dalka lagu dhiso, wuxuuna madaxweynaha sheegay in wasaarad kasta ay marka koowaad qashinka ka nadiifiso inta u dhow.

"Shaqaalaha dowladda waa 6 kun oo qof, askarta aan mushaarka siinana waa 26 kun, intaas oo dhan todobaadkii haddii 4 saacadood shaqo is xilqaam ah qabtaan, dalka waa uu dhismayaa" ayuu yiri madaxweynaha.

Gunaaanad

Shirkan waxa uu ahaa mid xukuumadda ay kusoo bandhigaysay awoodeeda fulin, qorshayaasha u degsan iyo qaabka ay ku shaqayso.

Waxaa shirka laga muujiyay wax kasta oo tusinayay madaxweyne iyo Ra'isulwasaare is gacan ogol, iyo gole wasiiro oo hayin u ah wasiirka koowaad.

Waxaa kale oo meesha ka muuqatay in xukuumadda ay aad ugu diyaargaroowdey qorshaheeda wax qabad, marka ay ugu yartahay diyaarinta qoraal ahaan, balse waxaa laga warsugayaa fulinta waxyaabo badan oo qoran.

Waxayse xukuumadda aad ugu faantay dib u habeynta dhaqaalaha, iyada oo Ra'isulwasaare Kheyre uu yiri "20 wasaaradood ayaa dakhli uruurin jirtay, maanta hal meel ayaa laga uruuriyaa, waana wasaaradda maaliyadda ".

Si kastaba ha ahaatee, shirkan waxa uu noqonayaa bandhiggii ugu weynaa ee xukuumadda si toos ah dadweynaha ugu soo bandhigto halka ay wax marinayso.