Ogow 7 arrimood oo ku saabsan codkaaga

Dhageyso! Maalin walba waad adeegsataa, laakiin aqoon intee la eg ayaad u leedahay codkaaga? Hannah iyo Adam ayaa u dabaal degay codkeenna cajiibka ah, iyagoo ku jira musalsalka BBCda ee la yiraahdo The Curious Cases of Rutherford & Fry.
1. Waxaad lahayd lahjad ilaa marki aad dhalatay
Carruurtu marka ay hadal baranayaan waxay billaabaan iney qaataan lahjadda waalidkooda iyagoo wali dhabta hooyadood ku jira. Cilmi baareyaal ayaa daraasad ku sameeyay ilmo yar yar oo u dhashay dalalka Faransiiska iyo Jarmalka waxayna ogaadeen in xitaa codadka ay carruurtaas ku oynayaan uu yahay dhawaaqa luqadda dalka ay u dhasheen. Waxay aqoonyahannadu muujiyeen iney suurtagal tahay in carruurta oohintooda dhawaaqeeda laga ogaan karo dalalka ay u kala dhasheen.
2. Sida uu codkaaga uga soo dhawaaqo gudaha
Codkaagu wuxuu ka soo billowdaa qeybta hoose ee feeraha, marka aad neef u qaadatid gudaha oo ay awood falgal ah ka sameyso sanduuqa sameecadda codka ee ku sameysan gudaha dhuuntaada.
Markaas ka dib waxaa dib gariir u soo sameeya labo xarig oo afka qalaad lagu yiraahdo (vocal cords), halkaas ayuuna ka sameysmaa cod cajiib ah balse aan fasiix ahayn oo soo raaca neefshashada, ka dibna waxaa codkaas hadal la fahmi karo ama dhawaaq ka dhiga xubnahaaga kale oo is biirsaday sida, bishimaha, gowsaha, dhabannada, carrabka, dhamxanagga iyo dhuunta.
3. Sababta uu u kala weynyahay codka
Codka ragga wuxuu noqdaa mid weynaada. Sanduuqa codku ka sameysmo ee ragga wuxuu hoos uga durkaa dhuunta ka dibna wuxuu billaabaa inuu si khasab ah kor ugu soo siqo si uu bannaanka ugu soo baxo. Waxaa inta badan loo yaqaannaa "Doob" ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo "Adam's apple". Masaafada u dhexeeya sanduuqa codka ee afka oo la yiraahdo Vocal tract ayaa weynaada. Hannaankii uu u soo baxayay codka ayaa is baddalkaas sameeya, sidaas awgeed ayuuna codka ragga u weynaadaa.
Haweenka qudhooda heerkaas mid la mid ah ayuu codkooda maraa, in kastoo uusan u ballaaranin sida kan ragga oo kale, sidaas awgeed ayuuna codkoodu uga dhuubnaadaa midka ragga, ugana weynaadaa midkii carruurnimada.
4. Waxaad codkooda matashaa dadka aad xiiseysid
Mar walba oo aad qof sida uu u hadlo ka heshid, waxaad sii baraneysaa inaad yeelatid codka uu qofkaas leeyahay. Sidaas darteed, hadduu nin ka helo haweeney wuxuu codkiisa ka dhigaa khafiif marka uu iyada la hadlayo.

5. Marka uu codkaaga u dhawaaqo si waayeelnimo ah
Mar walba oo ay da'daadu korortaba, qalabka dabiiciga ah ee uu codkaaga ka sameyso wuu sii dabcaa, wuxuuna yeeshaa daldaloollo yar yar, hawada codka soo raacda ayaa ka dusta daldaloolladaas, sidaas ayuuna codkaaga u noqdaa mid tartaraya oo laga dareemi karo waayeelnimo. Taasi waxay xitaa sababtaa inaadan isku xiriirin karin hadalka ka kooban jumladaha dhaadheer, maadaama ay neeftu kaa dhammaaneyso marka ay ka baxdo daldaloollada yar yar ee dheeraadka ah. Taas waxaa kuu sii dheer in murqahaagu ay daciifayaan, codkaaguna mar kale ayuu khafiifnimadiisi yaraanta ku laaban karaa inta aad sii duqoobeysid.
6. Muddo dheer ayuu codkaagu ahaanayaa mid da' yar
Warkan wanaagsan waa in codkaagu uusan u duqoobeynin sida uu jirkaaga kale u duqoobo. Haddii aad qof da'diisa ku qiyaaseysid inaad codkiisa dhageysatid, waxay u badan tahay inaad qofkaas ku sheegtid da' ka yar middiisa saxda ah.
7. Sida codkaaga looga dhigo mid wanaagsan
Isla sida jirkaaga oo kale, codkaaguna wuxuu u baahanyahay jimicsi, si uu caafimaad u lahaado inta aad sii weynaaneysidba. Si aad codkaaga ugu sameysid jimicsi, waxaad sameyneysaa dhawaaq aad ka soo billaabeysid meesha ugu sarreysa, kaasoo aad jiideysid adigoo marba marka ka dambeeya hoos u sii dhigaya, ilaa aad ka aamustid. Dabcan iska ilaali inaad sidaas ku sameysid dadka dhexdooda.










