Paul Biya: oo marki toddobaad iisu soo taagay doorashada madaxweynanimada Cameroon

Madaxweynaha Cammeron Paul Biya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Cammeron Paul Biya

Madaxweynaha Cammeron Paul Biya wuxuu xilka madaxweynanimada uu soo hayay 35 sano balse wuxuu markale uu doonayaa inuu 7 sano oo kale uu dalka madaxweyne uu ka noqdo isaga oo doorashada ay maanta cod bixinteeda billaabatay ka qayb galayo.

Paul Melly oo ay madaxweynaha aad isugu dhow yihiin oo arrintan ka warramayo ayaa wuxuu sheegayaa in madaxweyne Paul biya sida uu kursiga isugu dhajinayo ay cambaareyn caalami ah ka dhalatay, arrinta la yaabka leh ee ugu dambeysayna ay tahay muddo laba sana ah kaddib inuu marki ugu horreysay uu qabtay shirka golaha wasiirrada ay isugu yimaaddaan muddada intaa le'eg.

Paul Biya oo laga billaabo 1982-kii xilka soo hayey ayaa wuxuu noqonayaa madaxweynihi wakhtiga ugu dheeraa xilka soo hayey ee qaaraddan Africa.

Madaxweyne Paul Biya oo toddobaadkan ku sugnaa dalka Shiinaha

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Paul Biya oo toddobaadkan ku sugnaa dalka Shiinaha

Afrika oo bariyahan dambe ay ka socdaan isbeddello siyaasadeed oo xawli ah gaar ahaanna waddamada ka hooseeya saxaraha Afrika oo madaxdi waaweyneyd oo mudddada dheer dalal badan ka soo talineysay qaarkooda ay xilka ka degaan balse weli sida madaxweyne Biya oo kale waxaa jira kuwa kursiga ku sii dhaggan.

Shacabka Cameroon oo 60% ay da'doodu ka hooseyso 25 jir maba aysan dhalan xilliga uu Biya uu talada dalka gacanta ku soo dhagayey, iyada oo dalkaasina ay ka jirto shaqa la'aan ba'an iyo xaalad noolaleed oo aad u adag.

Madaxweyne Paul wuxuu wakhtiya badan uu ku soo qaataa dibadaha gaar ahaana huteellada waaweyn ee ku yaalla Geneva taasoo si weyn looga dhaleeceeyo.

Inkasta oo ay taageerayaashiisu eeddaasi ku shegeen mid siyaasadeysan oo ololaha doorashada looga faa'ideysanayo balse xaqiiqda ka fog.

Kooxda kubadda cagta Cameroon Madaxweyne Paul iyo xaaskiisa Chantal sida ay u salaamayaan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Kooxda kubadda cagta Cameroon Madaxweyne Paul iyo xaaskiisa Chantal sida ay u salaamayaan

Madaxweyne Paul Biya oo ka soo jeeda qaybta Af-faransiiska lagaga hadlo uu Ingiriiska guumeysan jiray ayaa waxaa lagu dhaleeceyaa inuu awoodaha ugu badan uu u dhiibay gobolka isaga uu ka soo jeedo halka uu talada dalka uu ka ilaaliyo gobolka Af-Ingiriisiga lagaga hadlo oo uu ka soo jeeday madaxweynihi hore oo uu talada kala wareegay Ahmadou Ahidjo.

Dhibaatooyinka afafka dalka lagaga hadlo la xidhiidha

In ka badan hal sano Gobollada Af-ingiriiska looga hadlo ee Cammeroon ee ku yaallo Waqooyiga galbeed iyo Koonfurta-Galbeed ee dalkaasi waxaa ka socday dagaallo dhexmarayay dowladda iyo kooxo gooni u goosad ah oo ka soo horjeeddo.

Rabshadahan oo markoodi ugu horreysay ku billaawday Macallimiin iyo Sharci yaqaanno ka soo jeeda gobollada Af-ingiriisiga looga hadlo oo ka mudaharaadayey mushaaraadka iyo xaaladda noolaleed ee ay ku jiraan.

Qoraalka Muuqaalka, Muuqaal muujinaya mudaharaadyada gobollada Af-ingiriisiga looga hadlo ee Cammeroon

Mudaharaadyada ayaa waxay iisu beddeleen xaalad dagaal kaddibna waxaa gobolkaasi ka sameeysmay kooxa hubeysan oo dowladda Cammeroon ka soo horjeeda.

Khariidadda dalka Cammeroon.
Qoraalka sawirka, Gobollada Af-ingiriiska looga hadlo ee Cammeroon ee ku yaallo Waqooyiga galbeed iyo Koonfurta-Galbeed ee dalka

Jabhadaha ka dagaallamo Gobollada Af-ingiriiska looga hadlo ee Cammeroon maxay doonayaan?

Jabhadaha la magac baxay Red Dragon iyo Ambazonia Defence Forces (ADF) iyo kuwa kale ee ka degaallama Gobollada Af-ingiriiska looga hadlo ee Cammeroon ee ku yaallo Waqooyiga galbeed iyo Koonfurta-Galbeed ee dalka waxay doonayaan gobolladaasi iney ka gooyaan dalka Cammeroon oo ay madax bannaani ka qaataan.

Iyada oo doorashada maanta ay cod bixinteeda ka billaabatay dalka Cameroon ay ku dhalisay cabsi aad u weyn oo kooxahana dagaallamaya laga qabo maadaamaa ay ku hanjabeen iney doorashada carqaladeyn doonaan weerarro doorashada ka dhan ahn ay qaadi doonaan.

Iyaga oo sheegay sababta ay tillaabbooyinkaa u qadayaanna ay tahay iney ku muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan madaxweyne Paul Biya oo 85 jir muddo 35 sana ahna dalka ka soo talinayey inuu markale iisu soo taago doorashada madaxtinimada.

Muuqaal muujinaya dabley ka tirsan Jabhadda Red Dragon

Xigashada Sawirka, Red Dragons

Qoraalka sawirka, Muuqaal muujinaya dabley ka tirsan Jabhadda Red Dragon

Jabhaddan hubeysan ayaa waxaa la sameeyey 12-ki bilood ee ugu dambeeyey waxayna dableydan hubeysan ay tira ahaan ka kooban yihiin ilaa iyo 1000 dableey iyaga oo xornima doonka Abazonia State u dagaallamaya.

Kooxaha 'waxay ku faanayaan waxyaabaha dhaxalgalka' ee ay leeyihiin gobollada Af-ingiriisiga looga hadlo

Kooxdan ka dagaallanta gobollada Af-ingiriiska looga hadlo oo laga tirada badan yahay oo shacbka dalkaasi ka noqonaya 20% waxay dagaallada ay dowladda kaga soo horjeedaan ay si rasmi ah u billaabeen 2017-ka.

Mudaharaadayaal
Qoraalka sawirka, Dadka ku nool dalalka Af-ingiriisiga lagaga hadlo waxay ka cabanayaan dowladda iney ula dhaqanto sida muwaddin labaad

Qaar ka mid ah kooxaha ka dagaallama gobollada marka ay Bishi october 10-keeda 2017-ka ay ku dhawaaqeen madax bannaani waxay dowladdu koooxahaasi dagaalka kaga soo horjeedo ay u aqoonsatay argagixiso iney yihiin, wuxuuna madaxweyne Biya uu iclaamiyey dagaal ka dhan ah in lagu qaado.

Ciidamada dowladduna wixi amarka madaxweynaha ka dambeeyey waxay billaabeen iney weerarra goos goos ah ay ku qaadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha fallaagada isla markaana ay aad u jirdilaan dhalinyarada mootooyinka iyo basaska ku shaqeysata.

Kacdoonka dhulka miyiga ah

Dowladduna waxay baabi'isay dhamaan ilihi dakhliga ee gobolladaasi, waxayna sameeysay koox la dagaallanta dableyda oo ay ugu magac dartay 'Seven Karta Militia', dhalinyarada dhulka miyiga ee gobolladaasina waxay sameeyeen goobo ka caaggan dhaqdhaqaqa ciidamada dowladda oo ay soo geli karin.

Hay'adda xuquuqda aadanahana waxay kooxaha gobolladaasi ka dagaallamaya ay ku eedeeysay iney iyaga laftooda tacaddiyo geeystaan.

Qoraalka Muuqaalka, Dalka Cameroon oo ku sii socda Dagaalla Sokeeye iney ka dhacaan

Hay'adda wax ka qorta xiisadaha dunida ee ICG wakiilka u jooga Cameroon Richard Moncrieff wuxuu BBC-da u sheegay iney kooxaha dagaallamaya ee dowladda ka soo horjeeda ay hal meel ah ku sugnaanin oo gobollada oo dhan ay isaga gooshaan, waxayna weerarradooda ku beegsadaan oo ay dil ama afduub u geystaan mas'uuliyiinta dowladda iyo dadka dowladda la shaqeeya ee gobolladaasi ku sugan.

Cameroon oo weli ku kala qaybsan waddadi uu guumeysiga u jeexay

Xudduudaha Afrika waxaa sameeyey xoogagga guumeystayaasha ee qaaradda soo maray

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Xudduudaha Afrika waxaa sameeyey xoogagga guumeystayaasha ee qaaradda soo maray
  • Cameroon waxaa guumeysanayey dalka Jarmalka sanadka marka uu ahaa 1884
  • Xoogagga Britain iyo Faransiiska ayaa waxay Jarmalka ku qasbeen inuu 1916-kii isaga baxo dalka Cameroon
  • Cameroon ayaa waxay qaybsantay 3 sana kaddib, waxayna u kala qaybsantay 80% qaybta Af-faransiiska lagaga hadlo iyo 20% qaybta Af-ingiriisiga lagaga hadlo
  • Faransiiska ayaa wuxuu Cameroon xurnimada siiyey 1960-kii
  • Kaddibna waxaa la qaaday afti lagu mideynayo labada qaybood ee dalka ee waqooyiga iyo koonfurta u kala qaybsanaa.
Khariidadda dalka Cameroon.
Qoraalka sawirka, Khariidad muujineyso dalka Cameroon sida uu u kala qaybsan yahay

Wadahadallo la taaban karo oo aan labada dhinac weli dhexmarin

Mr Moncrieff oo ah khabiir dhinaca militariga ayaa wuxuu sheegayaa kooxaha gooni u goosadka ah iney haysanin taageerada dhaqaale iyo mid ciidan oo dibadaha uga yimaaddo balse weerarra kala duwan oo ay ciidamada dolwadda isaga hor yimaaddaan waxaa ku dhintay ciidama badan oo dowladda ka tirsan.

Sanadkan oo keli ah kooxaha gooni u goosadka iyo ciidamada dowladda waxay dagaallo isaga hor yimaaddeen 83 jeer.

Qaarka mid ah meydadka ciidamada Cameroon oo dagaallada ku dhintay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ku dhawaad 175 askari oo ka tirsan ciidamada Cameroon ayaa lagu dilay dagaalka halka sana socday

Sanadki tagay oo keli ah dagaallada waxaa ku dhintay 420 qof oo rayad ah iyo 175 askari oo kuwa dowladda ah, waxaana gobollada ay dagaalladu ka socdaan ka barakacay dad ka badan 300,000.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Madaxweyne Paul Biya.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah taageerayaasha Madaxweyne Paul Biya

Mr Biya ayaa waxaa la rajeeynayaa inuu ku guuleysto doorashada madaxtinimada ee ay maanta codbixinteedu billaabatay.

Muuqaallo iyo Sawirro muujinaya dhibaatooyinka ka jira Gobollada Af-ingiriisiga looga hadlo ee Cameroon:

Ciidan hubeysan oo gaari saaran

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ciidan hubeysan oo gaari saaran

Ciidamada direeyska xiran ee ka muuqda gaariga dushiisa waxay ka tirsan ciidamada dowladda Cameroon oo loo yaqaanno Rapid Intervention Battalion (BIR) waxaana ciidamadaasi 2016-ka tababaray Mareykanka iyo Israa'iil.

Askar ka tirsan ciidamada BIR
Qoraalka sawirka, Askar ka tirsan ciidamada BIR

Ciidamada dowladda waxay dab qabadsiiyaan guriyaha dhulka miyiga ee ku yaallo goobaha ay isaga horyimaaddaan kooxaha gooni u goosadka ah.

Sida sawirkan hoose ee laga soo qaaday Tuulada Kuke Mbomo oo gubaneysa oo ay dab qabadsiiyeen ciidamada dowladda dhacdadan waxay ku beegneyd 29-ka bishii April.

Guriyo gubanaya ee tuulada Kuke Mbomo ee dalka Cameroon
Qoraalka sawirka, Guriyo gubanaya ee tuulada Kuke Mbomo ee dalka Cameroon

Sawir muujinaya qolofka rasasta noonool oo shacabka rayadka ah ay ciidamada Cameroon u adeegsadeen.

Qof gacanta ku hayo rasas noonool oo shacabka rayadka ah ay ciidamada u adeegsadeen
Qoraalka sawirka, Qof gacanta ku hayo rasas noonool oo shacabka rayadka ah ay ciidamada u adeegsadeen

Dowladda Cameroon laga soo billaabo 2016-ka muddo sanad ah gobollada ay dagaalladu ka socdaan waxay ka mamnuucday Taleefannada Gacanta in laga isticmaalo.

Shacabka gobollada dagaallada ka socdaan oo ka mudaharaadaya tacaddiyada lagu haya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Shacabka gobollada dagaallada ka socdaan oo ka mudaharaadaya tacaddiyada lagu haya
Askar jirdileyso nin dhalinyara ah
Qoraalka sawirka, Askar jirdileyso nin dhalinyara ah
Nin ku baryootamaya in la dilo kaddib marki uu jirdilka u adkeeysan waayey
Qoraalka sawirka, Nin ku baryootamaya in la dilo kaddib marki uu jirdilka u adkeeysan waayey

Dalka Cameroon dhibaatooyinka ka taagan ayaa wuxuu soo jiitay indhaha caalamka iyada oo doorashada guud ee dalkaasina bishan October 2018-ka u qorsheysneyd maanta ay cod bixinta ka billaabatay dalka oo dhan.

Kumannaan qoys ayaa guriyahooda ka qaxay kaddib marki ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka uga imanaya dhinacyada ishaya, iyada oo 21,000 oo qof ay u tallaabeen dalka Nigeria oo ay deriska yihiin dalka Cameroon, 160,000 oo qof oo barakacayna waxay ku sugan yihiin qayba kala duwan ee dalka Cameroon iyada oo ay sida oo kale jiraan dad tira badan oo ku go'doonsan dhulka keymaha ah oo ay xaaladdooduna aad u liidata.