Dibadbaxyo ka dhacay dalka Cameroon

Dadka dibadbaxaya ee dalka Cameroon
Qoraalka sawirka, Dadka dibadbaxaya ee dalka Cameroon

Mudaaharaadyo waawayn ayaa ka dhacay gobolka af ingiriiska looga hadlo ee dalka Cameroon. Waxaa xilliga habeenkii lagu soo rogay gobolkaasi Bandow gaar ahaan caasimada gobolkaasi ee Bamenda.

Waxaa sidoo kale dhacay weerar banbaano oo boolisku ay ku sheegeen inuu ahaa fal argagaxiso oo ay qaadeen kooxda loo yaqaano Anglophone.

Waxaa rabshadahani dhacaya la sheegay inay ku dhaawacmeen sadax askari oo boolis ah.

Kumanaan qof oo qolyaha loo yaqaano Anglophone-ka ayaa wadooyinka isugu soo baxay.

Waxay yeerinayeen firinbi ama seeri. Waxayna wateen calanka Ambazonia ee buluuga iyo cadaanka isugu jirra.

Qolyahan banaanbaxaya ayaa qaarkood raba gobol u gooni ah. Waloow ay jiraan kuwo kale oo doonaya inaanan la faquuqin.

Banaanbaxyadani ayaa socday mudo bilooyin ah. Waxaana jirta dhimasho, xarig iyo waliba in la xiray adeega internetka.

Qolyaha dibadbaxaya ayaa ka cabanaya in la faquuqay oo xuquuq aysan haysan loolana dhaqmay sida iyagoo ka hoseeya wadaniyiinta kale.

Cameron waxaa soo gumaystay wadamada Britain iyo Faransiiska waxaa jira labo gobola oo hada looga hadlo labada luuqadood ee Faransiiska iyo Ingiriiska