You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Jeneraal Muxiyadiin ma ku saxsan yahay inuu “fisqi” ku tilmaamo tamashlaha dhallinyarada ee duleedka Garowe?
Taliyaha ciidanka xasalinta Caasimadda Puntland ee Garowe ahna taliyaha qaybta Nugaal iyo ladagaalanka argagixisada Puntland ayaa hadal dood badan abuuray shalay warbaahinta ka sheegay, kaas oo ahaa inuu udigayo "dadka banaanka shukaansiga u aada".
''Waxaan udigayaa dadka banaanada u baxa ee ragga iyo dumarka ah ,kuwaas oo marka ay banaanada isla aadaan gawaarida ku dhex sameeya anshax xumo , oo hadhoow marka loo tago ninku dhahayo xaaskayga ayeey ahayd, marka aad dhahdo hadii ay xaaskaagi tahay saldhigaan idin geyn waa ay qaylinayaan'' ayuu yiri taliyaha.
Arinkaan ayaa in badan oo ka mid ah dhallinyarada baraha bulshada dood ka dhex dhaliyay, waxa ayna ku doodayaan "dhalinyarada banaanada aadda maxaa lagu xaqiijin karaa inay fisqi ku sameeyaan banaanka?" Taliyahana wax cadayn ah ma uusan soo bandhigin.
Dhallinyarada ayaa arinkaan si adag uga fal celiyay baraha bulshada. Waa kuwan qaar ka mid ah ra'yiga dhalinyaradaas.
Taliye Muxiyadiin oo kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland ayaa dhawaan Madaxweeynaha Puntland umagacaabay taliyaha xasilinta Garowe kadib falal amaan darro ah oo ka dhacay magaaladaasi.