Somaliland: Xeer kufsiga uu muranka ka taagnaa oo ay isku afgarteen Madaxweynaha iyo Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta

Xeerka Kufsiga oo muran dheer kaddib la isku waafaqay
Qoraalka sawirka, Xeerka Kufsiga oo muran dheer kaddib la isku waafaqay

Madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka diinta iyo awqaafta ayaa ugu dambeyn is af garad ka gaaray sida laga yeelayo xeerka Kufsiga Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed ayaa ku dhawaaqay in isaga iyo madaxweynaha ay isku waafaqeen dib u eegis lagu sameeyo xeerka kufsiga iyo ciqaabta jinsiga.

Sheekh Khaliil oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu aqbalay in dib loogu laabto hagaajinta xeerkaas oo dhaliyay muran xoogan oo in muddo ah soo jiitamayay.

Xeerka ciqaabta kufsiga iyo xad gudubyada jinsiga oo marxalado kala duwan soo maray ayuu ugu dambeyn madxaweynaha saxiixay dabayaaqadii bishii Agoosto, ka dib markii uu ka soo gudbay aqalka baarlamaanka Somaliland oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay.

Qoraalka Codka, Puntland oo baareyso nin lagu eedeeyay isku day kufsi

Hase ahaatee waxaa si weyn u dhaliilsanaa dhinacyo badan oo ay ku jireen culumaa'udiinka, xubno ka tirsan golaha guurtida iyo masuuliyiinta wasaaradda Diinta iyo awqaafta oo qaar ka mid ah qodobada xeerka u arkay iney ka soo hor jeedaan shareecada Islaamka.

Wasiir Sheekh Khaliil oo la hadlayay wariyaha BBC-da ee magaalada Hargeysa Axmed Siciid Cige ayaa yiri "Sida aad ogtahay, waxaan leenahay goleyaal kala duwan oo is wada saxaya, mid walbana uu kan kale sii saxo. Waxyaalaha xeerarka ah ee ka soo baxa golaha baarlamaanka ee aan sameysanay inta badan marka uu madaxweynuhu saxiixo waxaa lagu soo daayaa faafinta ama baahinta rasmiga ah.

Xukumadda iyo Mucaaradka oo isla meel dhigay Xeerka Kufsiga
Qoraalka sawirka, Xukumadda iyo Mucaaradka oo isla meel dhigay Xeerka Kufsiga

Laakiin iyadoo la arkayay inaan annaga, culumada iyo shacabka qaar ka mid ahba ka sheeganeynay qodobbada xeerka ayay haddana baarlamaanka ilduufeen oo ay ansixiyeen".

Waxa uu wasiirka sheegay in kulankii ay la yeesheen madaxweyna uu ku soo dhammaaday in mudane Biixi uu aqlabay in dib u eegis lagu sameeyo xeerka isla markaana uu ku amray in arrintaas lala wadaago warbaahinta.

Madaxweynaha ayuu sheegay inuu qalinka ku duugay xeerka isagoo tix galinaya codka aqlabiyadda ah ee ay baarlamaanka ku ansixiyeen, laakiin hadda uu ballan qaaday in aan la dhaqan galin doonin wax aan waafaqsaneyn diinta islaamka oo Alle uusan raali ka ahayn.

Tallaabada xigta

In muddo ahba waxaa socday cabasho ka imaaneysay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo culumaa'udiinka oo codsanayay in wax laga baddalo xeerka ciqaabeed ee ka dhasha falalka kufsiga.

Wasiirka diinta iyo Afqaafta ee Somaliland ayaa BBC-da u sheegy in tallaabada ugu horreysa ee la qaadayo ay tahay sidii la isugu yeeri lahaa xubnaha culumaa'udiinka si loo falanqeeyo xeerka loogana dhigo mid aan ka hor imaaneynin shareecada islaamka.

Culumada ayaa horay fatwo uga soo saaray mad madowga ku jiray xeerkaas, halka shacabkuna ay si weyn u hadal hayeen arrintaas.

Maxaa ka mid ah qodobada lagu muransanyahay Sida ay horayba u shaaciyeen dadka dhaliilsan xeerka, qodobada lagu muransanyahay ayaa waxaa ka mid ah da'da qaan gaarka ee uu qabanayo xeerka, iyadoo qormada xeerku ay marna tilmaameyso in da'da qaangaarku ay tahay 18 sano marna 15 sano, taasoo uu khilaaf xoogan ka dhashay.

Shareecada islaamka ayaa qabta in qof kasta oo gaaray da'da 15 sano uu yahay qaangaar, ayna qabanayaan xeerarka iyo awaamiirta islaamiga ah.

Qodobka kale ee sida weyn looga soo hor jeestay ayaa ah in fulinta xeerka ay ku xirantahay in la helo ogolaanshaha qofka, taasoo uu wasiirka diinta iyo awqaafta ku tilmaamay khaladaad farsamo oo u baahan sixitaan.

Sidoo kale ciqaabta ku xusan xeerkan ayaa meelaha qaar lagu tilmaamay mid ka sahlan tan ay jaan goysay shareecada islaamka, halka kuwo kalena ay xad dhaaf yihiin.

Dadka dhaliilsan xeerka oo aaminsan inuusan waafaqsaneyn shareecada ayaa ku dooday in dhammaan xukunnadaas ay yihiin kuwo daba marsan xadka islaamiga ah ee loogu tala galay in lagu qaado dadka falalkaas geysta.

Marxaladihii uu soo maray xeerka kufsiga Horaantii sannadkaan ayay golaha wakiillada ee Somaliland cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xeerka kufsiga iyo ciqaabaha xad gudubyada dhinaca jinsiga, ka dib markii uu in muddo ah hor yaallay.

Baarlamaanka ayaa cod uu qaaday lixdii bishii Janaayo ee sannadka 2018-ka isku raacay in la meel mariyo sharcigaas oo si joogto ah looga codsanayay iney dadajiyaan meel marintiisa.

Ururrada u dooda xuquuqda haweenka iyo carruurta ee Somaliland ayaa si weyn ugu riyaaqay meel ansixintiisa, iyagoo sheegay in si weyn loogu baahnaa xeerar u gaar ah xad gudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

Is mari waaga golaha wakiillada iyo Golaha guurtida Hase ahaatee xeerkan oo ka koobnaa 64 qodob ayaa markii dambe loo gudbiyay golaha Guurtida oo isbadallo ku sameeyay ka dibna ansixiyay.

Tallaabada wax looga baddalay xeerka ayaa ka careysiisay ururada bulshada, iyagoo baarlamaanka

ugu baaqay inuu hor istaago arrintaas.

Xisbiyada Siyaasadda Somaliland
Qoraalka sawirka, Xisbiyada Siyaasadda Somaliland

Bishii luuliyo, mar kale ayuu golaha baarlamaanka u fariistay meel marinta xeerkaas waxaana ay xubnaha isku raaceen in sidiisii hore lagu ansixiyo.

Tallaabadaas oo muran dhalisay ayaa meesha ka saartay is badalkii ay xeerka ku sameeyeen golaha guurtida.

Wasaaradda diinta iyo awqaafta ayaa wixii xilligaas ka dambeeyay waday dadaal lagu so oaf jarayo is mari waaga ka aloosnaa xeerka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa goor sii horreysay ka codsaday golaha sharci dajinta iney soo dadajiyaan meel marinta xeerka kufsiga iyo ciqaabta jinsiga, si xal loogu helo dhibaatada iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka ee ka dhaca deegaannada Somaliland.

Xeerka Kufsiga oo ugu dambeyn la isla meel dhigay
Qoraalka sawirka, Xeerka Kufsiga oo ugu dambeyn la isla meel dhigay

Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ay muddo ka badan 7 sano u xusul duubayeen sidii xeer khaas ah loogu sameyn lahaa tacadiyada noocaas ah, maadaama ay jiraan sharciyo loogu tala galay fal dambiyeedyada kale, sida dilalka iyo maandooriyeyaasha.

Wasaaradda arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Somaliland ayaa soo diyaarisay xeerka kufsiga iyo ciqaabta tacadiyada jinsiga oo ay ugu tala gashay in lagu dhaqan galiyo bulshada.