Nin Hindiya caan ka ah oo lagu helay kufsi

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wadaad caan ka ah dalka Hindiya oo sheegta in ay ku taxan yihiin malaayiin dad ah oo adduunka oo dhan ku kala sugan ayaa lagu helay in uu kufsi gaystay.
Maxkamad ku taalla gobolka Jodhpur ee dalka Hindiya ayaa go'aamisay in Asaram Bapu uu kufsaday gabadh 16 jir ah oo ku sugnayd xarun uu leeyahay.
Waxay u badan tahay in uu racfaan ka qaadan doono maxkamada sare.
Wadaadkan caanka ah oo 77 jir ah ayaa 400 oo xarumood ku leh adduunka oo dhan halkaas oo uu dadka ku baro dariiqadiisa iyo jimicsiga yoga loo yaqaanno.
Maxkamad ku taalla gobolka Gujarat ee dalka Hindiya ayaa iyadana dacwad kale oo kufsi ah ku wada wadaadkan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ammaanka gobolka Jodhpur ayaa aad loo adkeeyay sababtuna waxay tahay walaaca laga qabo taageerayaasha wadaadkan caanka ah.
Maxkamadda hadda ku heshay dambiga ayaa la filayaa in ay galinka dambe ee maanta shaaciso xukunkeeda.
Utsav Bains oo ah qareenka matalaya gabadha ayaa NDTV u sheegay in uu filayo in ay maxkamaddu xabsi daa'in ku xukunto Asaram.










