Daraasad: Mid ka mid ah shantii gabdhoodba dhib ayey isu gaysataa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shantii gabdhoodba mid ka mid ah gabdhaha 14 jirka ah ee UK ayaa la sheegay in ay jirkooda dhaawacaan, sida lagu xusay macluumaad la aruuriyay
Daraasad lagu sameeyay 11,000 oo carruur ah ayaa lagu ogaaday in 22% oo ka mid ah gabdhaha iyo 9% oo ka mid ah wiilasha ay sheegeen in ay dhaawacyo isku geysteen, waxaana ay waxyeelladaas jir ahaaneed isku geysteen intii lagu guda jiray muddadii sannadka ahayd ee ay socotay daraaseynta.
Xaddiga tirada carruurta ah ee isku dhaawaca xanaaqa awgiis ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd oo ah (46%) marka la isku daro wiilasha iyo gabdhahaba.
Macluumaadka ku saabsan daraasaddaan oo ay soo saartay hay'adda xannaanada carruurta ayaa lagu sheegay in waxyaabaha sababa arrintaan ay ka mid tahay sida ay carruurtaas isku arkaan muuqaal ahaan marka ay da'daas soo gaaraan maadaama aysan qaarkood ku farxin sida ay u ekaadeen.
Tiro badan oo ka mid ah gabdhaha iyo wiilashada 14 jirka ah ayaa ku qanci waaya muuqaalkooda marka ay isku eegaan muraayadda, iyagoo caro darteed iskugu geysta dhaawacyo aysan cid kale sabab u ahayn.

Kuwo kalena waxay dhibaato ka soo wajahdaa sida ay u jeclaan lahaayeen in ay u ahaadaan jinsiga ay yihiin mooyee kan kale, tusaale ahaan in gabar ay is jecleysiiso iney ku fiicnaan lahayd iyadoo ahaata wiil ama uu wiilka isla jeclaan lahaa gabarnimo.
Daraasaddaan oo loo arkay mid aad muhiim u ah ayaa waxaa ka qeyb qaadatay hay'ad sannad walba samaysa kormeer loogu tala galay in lagu ogaado xaaladda ay ku sugan yihiin carruurta waddanka Ingiriiska.
Macluumaadka la xiriira dhaawacyada ay carruurta isku geystaan ayaa waxaa sannadkii 2015-ki shaaca ka qaaday hay'ad kale oo dabagal ku sameysa xaaladaha carruurta marka ay soo korayaan.
Cilmi baaristan ayaa waqtigaas lagu bartilmaameedsanayay 19,000 oo carruur ah oo dhalatay intii u dhaxeysay sannadihii 2000 ilaa 2001-dii.
In ka badan 11,000 oo carruur ah ayey suurta gashay in la weydiiyo su'aal ahayd "dhaawac ma u geysatay jirkaaga tan iyo sannadkii la soo dhaafay"?
Waxaa ka jawaabay 5,624 gabdhood, hase ahaatee 1,237 ka mid ah tiradaas waxay sheegeen in ay is dhaawaceen.
Is dhaawicitaanka shakhsinimo waa in uu qofka jirkiisa waxyeello u geysto isagoo la tacaalaya dhibaatooyin xagga maskaxda ka heysta, xasuus xanuun leh ama xaalado adag oo ay markaas la kulmayaan.
Is dhaawicitaankaas wuxuu noqon karaa wax walba, sida in uu qofka feer isku dhufto ama wax kale oo dhib u geysan kara, inuu qofka wax af leh jirkiisa ku jaro ama inuu meel ka mid ah jirkiisa gubo.

Sida lagu xusay daraasadda la sameeyay sannadkii 2015-kii, qiyaastii 109,000 oo ah carruur ay da'dooda tahay 14 sano jir oo ku kala nool qeybaha kala duwan ee dalka Ingiriiska ayaa isku geystay dhaawacyo.
76,000 oo ka mid ah tiradaas ayaa lagu sheegay in ay yihiin gabdho, halka 33,000 oo ka mid ahna ay yihiin wiilal.
Daraasaddii taas xigtay oo bishaan la soo saaray ayaa iyadana muujisay in sannadkii 2017-ki gudihiisa ay gabdhaha 18 jirka ah ama intaas ka sii yar ee isbitaallada loo dhigay dhaawacyo ay isku geysteen ay laba jibbaar kor u dhacday labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Sannadkii 1997-dii daraasad noocaan ahayd ayaa waxaa lagu ogaaday in tirada gabdhahaas is dhaawacay ay ahaayeen 7,327, laakiin sannadkii 2017-ki waxay gaareen 13,463.
Hay'adda macluumaadkan soo saartay ee lagu magacaabo The NSPCC ayaa sheegtay in waxyaabaha ugu badan ee is dhaawicitaanka qofka keena ay ka mid yihiin:
- Inuu qofka isku buuqo
- In qofka lagu maadeysto
- Culeys ka soo food saara dhinaca iskuulka
- Dareen ka dhasha tacaddi loo geystay qofka
- Murugada
- Inuu qofka dhibaatooyin dhinaca xiriirka ah kala kulmo qoyskiisa ama saaxiibbadiis
Matthew Reed, oo ah madaxa hay'adda xannaanada carruurta ayaa yiri: "waa arrin laga murugoodo in carruur aad u fara badan aysan faraxsaneyn taasina ay sababto iney is dhaawacaan.
"Walaaca ku saabsan sida ay jir ahaan u ekaanayaan ayaa ah mid weyn, gaar ahaan gabdhaha, laakiin daraasaddaan waxay muujineysaa waxyaabo kale sida in qof uu ku qanci waayo jinsiga uu yahay, uuna sidaas awgeed walbahaaro."
'Waxay noqotay mid aan maskaxda ka baxeynin'
Gabar 18 jir ah oo jirkeeda dhaawacyo u geysan jirtay ayaa sheegtay in ay waxyeelleynta nafteeda soo billowday iyadoo 12 sano jir ah, maadaama ay marar badan isku dayi jirtay iney wax ka qabato dhibaatooyin heystay.
Waxay tiri "si dhakhso ah ayay u noqotay wax maskaxdeyda ku soo laa-laabta".
"Dhibaatada ku saabsan dhaawacyada aan jirkeyga u geysanayay waxay igu kalliftay inaan been u sheego dadka i xannaaneeya oo aan ka qariyo, marar badan, waxaana iska eryi jiray dadka agteyda jooga."
Laakiin markii dambe waxay heshay caawinaad xirfadeysan waxayna ka baxday dhibaatadii haysatay.
Noocyada jinsi
Daraasad kale oo lagu sameeyay carruurta ay da'dooda u dhaxeyso 10 ilaa 17 sano iyo waalidiintooda oo lagu beegsaday ilaa 2,000 oo guri, sidoo kalena ay qeyb ka ahayd hay'adda xannaanada carruurta ayaa lagu ogaaday in carruurtaasi aysan ku faraxsaneyn arrimaha iskuulka iyo sida ay jir ahaan u muuqdaan.
Macluumaadka laga soo saaray daraasaddaas ayaa lagu muujiyay in gabdhaha iyo wiilashada ay waxyeello isugu geystaan ku qancitaan la'aanta jinsiyaddooda.
Kuwa ay farxad la'aanta ugu badan heysay waxay ahaayeen kuwa dareemayay in wiilasha ay dhar caadi ah xirtaan gabdhahana ay mar walba xirtaan dhar qurux badan.
Waxa ay dadka waaweyn sameyn karaan si looga caawiyo carruurta ineysan jirkooda dhaawicin
- U muuji inaad dhibkooda fahansantahay
- Kala hadal arrintaas
- Soo saar waxyaabaha ay tabanayaan
- Dhis kalsoonidooda
- U muuji inaad aaminsantahay
- Si daggan wax ugu sheeg
Ku caawi iney helaan qaabab cusub oo ay dhibkooda ku xalliyaan
Sida lagu ogaado astaamahooda
Ka fiiri jirkooda calaamado sida meel jeexan, meel guban, meel muruxsan iyo sidoo kale meelo ay timaha ka xiiran yihiin madaxdooda.
Calaamadahaan intooda badan waxaa laga arkaa madaxa, calaacalaha korkooda, gacmaha iyo xabadka.
Caalamadaha dhanka maskaxda iyo dareenka way adagtahay in la ogaado
- Isku buuqsanaanta
- caloolyowga
- inuu qofka dadka ka dhex baxo
- inuu miisaankiisa si lama filaan ah u dhaco ama u kordho
- niyad jabsanaan iyo is eeditaan
- inuu isticmaalo daroogada










