Wakiil wareedka BBC-da ee dalka Venezuela oo ka faaloonaya todobaadkii koowaad ee shaqada

Guillermo Olmo, waa wakiil wareedka cusub ee BBC Venezuela

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Guillermo Olmo, waa wakiil wareedka cusub ee BBC Venezuela

Haddii aad tahay weriye jecel inuu sameeyo sheekooyinka, ma ahan wax caadi ah in maalinta Isniinta oo shaqadu bilaabato ay bankiyada magaalada aad ku nooshahay oo dhan ay noqdaan kuwa xiran. Marka laga reebo haddii aad ku nooshahay Caracas.

Waxaan noqday mardhaw wakiil wareedka BBC ee dalka Venezuela, haddii toddobaadkaan uu jiro wax laqabanayana, waxaa ii muuqdo inaa si xad dhaaf ah mashquul u noqon doono.

Halkaan Venezuela, Isniintii lasoo dhaafay waxa ay ahayd maalintii dowladdu ay go'aansatay in dhammaan ganacsiyada iyo bankiyada albaabada la isugu dhufto, si loogu diyaar garoobo soo bandhigida lacago cusub oo muddo dheer la sugayay.

Lacagtan cusub oo lagu magacaabo "sovereign bolivar", ayaa loogu tallo galay in looga hortago sicir bararka billooyinkii lasoo dhaafay saameyay dadka Venezuela.

Dhabtii waa lacag wax tar xooggan leh markii loo eego lacagtii hore ee - "strong bolivar" - taasi oo si weyn u qiimo beeshay

Inta badan dadka Venezuela ayaa maalinta Isniinta ah aad uga murugooda sida uu nidaamka cusub ee lacagahan u hirgali karo.

lacagta cusub ee boliver ayaa loogu talagalay in looga hortago sicir bararka saameeyay dalkaasi

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, lacagta cusub ee boliver ayaa loogu talagalay in looga hortago sicir bararka saameeyay dalkaasi

Qof walba waxa uu diyaar u yahay inuu helo qeyb kamid ah lacagahan cusub, balse sida caadiga ah ma ahan wax sahlan.

Iyada oo la xiray bankiyada ayna shaqeyneynin dhammaan aaladaha casriga ah ee lagula baxo lacagahana maalmahan ayaa aaladaha ATM yadu waxa ay ahaayeen waxa keliya oo halkaan laga helo.

Safaf dhaadheer ayaa loo galay mashiinada yaryar ee lacagaha lagala baxo.

Balse lacagaha lagala baxayo ayaa lagu xadiday ilaa 10 shilin oo ah lacagaha cusub ah , taasi oo ka yar lacagata iibiso dhalo cabitaan ah.

Dadka ayaa ku jira safaf dhaadheer oo ay lacago ugala baxaan ATM-yada

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dadka ayaa ku jira safaf dhaadheer oo ay lacago ugala baxaan ATM-yada

Maalintii Talaadada, dukaamada iyo goobaha ganacsiga ayaa dib loo furay, dadka reer Venezuela ayaana waxa ay bilaabeen inay la qabsadaan sharciyada lacagaha cusub.

Ganacsatada iyo milkiilayaasha dukaamada ayaa doonaya inay ka shaqeeyaan sidii ay u kordhin lahaayeen qiimaha badeecadahooda.

Dadka Venezuela ayaa ku dadaalaya hagaajinta qiimaha badeecadaha inta lagu guda jiro xaaladan adag.

Balse marka aad la sheekeysato macaamiisha bankiyada ayaa waxaa kuu muuqanaya sida xaaladu ugu adag tahay dadka halkaan ku nool.

"Waxaan ku sugnaa halkaan labo saacadood," ayuu yiri nin ka mid ah dadka aan la kulmay. " Waxaad u baahan tahay inaa nasiib leedahay. Maalmaha qaarna bankigaan wax lacag ahba lagama helo."

"Waxaan lasoo baxay haatan 10 lacagta bolivars ah," ayuu igu yiri qof kale oo macaamiil ka ahaa bankigan.

Dadka dhan halkaan waxa ay ka sheekeysanayeen sicir bararka xad dhaafka ah kaasi oo si degdeg ah sare u qaaliyeeyay qiimaha maciishada.

"Kiilo Cheese ah qiimaheedu waxa uu ahaan jiray 600 oo bolivars," ayay igu tiri haweeney. Haatanna waxa ay u dhaxeysaa 7 ilaa 9 milyan. Mar haddii aadan si degdeg ah u iibsan maanta, waxaad qarash badan ku iibsan doonta beri.

"Waa wax caqligu diidayo," ayay tiiri haweeney kale. "Wax walba kor ayay usii kacayaan dowladduna waxba kama qaban karto."

Aakhirkii, arin kale ayaa dhacday oo lacagta cusub ka saartay cinwaannada warbaahinta.

Dadka oo eegaya waxyeeladii ka dhalatay dhulgariirki ku dhuftay magaalada Caracas

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dadka oo eegaya waxyeeladii ka dhalatay dhulgariirki ku dhuftay magaalada Caracas

Iyada oo dadku ay usii hoyanayaan guryahooda, ayay ka sheekeysanyaan bal inay nasiib u yeeshaan in lacagahan cusub ay gacantooda soo gasho, ayaa hal mar magaalada waxaa ruxaya dhulgariir xoogan.

Ma jirin cid ku dhimatay dhulgariirka, balse waxa ay ahayd fariin ay dadku uga soo baxeen dhismooyinka dhaadheer.

Majirin qof uu welwel ka muuqday. Magaalada Caracas ma ahan meel caajis lagu dareemo.

kumanaan qof oo safaf ugu jira inay ka gudbaan xadka Colombia

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, kumanaan qof oo safaf ugu jira inay ka gudbaan xadka Colombia

Xiliyada wararka, waxaan deganaa oo ku noolaa magaalada, balse waxaan durbaba arkayay dad badan oo isaga baxayay magaalada.

Iyada oo dhibaatooyin dhaqaale ay ka jirto dalkan, dadka Venezuela ayaa cagaha waxka dayay.

Inka badan labo milyan oo qof ayaa ka xirxirtay alaabahooda oo isaga tagay, waxa ayna nolol cusub ka bilaabeen dibedda.