Saaxiibbo uu kala geeyey kacaankii dhaqanka ee Shiinaha oo markii dambe midoobay

Labo saaxiib oo carruurnimadoodii kulmay ayaa ka dib ku kala tagay magaalada Guangzhou xilli uu heerkii ugu sarreysay marayay kacdoonkii dalka shiinaha.
Ku dhawaad lixdan sano ka dib waxay markii ugu horreysay ku kulmeen Hong Kong, ka dib markii midkood uu kan kale sheekadiisa ka akhristay warbixin ay ka qortay BBC-da oo ay diyaariyeen Grace Tsoi iyo Lam Cho Wai.
Hong Kong waa magaalo ay ku badan yihiin dadka qaxootiga ah.
Muddo tobannaan sano ah, gaar ahaan intii uu socday qalalaasihii siyaasadeed ee Shiinaha, waxay magaaladaasi meel lagu soo hirto u ahayd dadka qaxootiga ah ee ka soo cararayay rabshadaha si ay u raadsadaan fursado cusub.
Inta badan arrintaas waxay sababtay in dad saaxiibbo ahaa ay kala fogaadaan ama mararka qaar dad qaraabo ah ay ku kala tagaan.
'Waan isla jaan qaadnay uun'
Ha Sze-yuen oo 71 sano jir ah wuxuu muddo sannado badan ah raadinayay saaxiibkiisii yaraanta oo lagu magacaabo Chan Hak-chi.
Waxay is barteen markii ay jireen lix sano. Labadoodaba waxay markaas dhiganayeen iskuul hoose oo ku yaalla magaalada Guangzhou.
"Waxaan jeclaan jirnay inaan mar walba wax isla akhrisanno. Macallimiinta aad bay noo jeclaayeen, laakiin labadeenna tartan islama aannaan gali jirin. Waan isla jaan qaadnay uun," waxaa sidaas yiri Ha.

Xigashada Sawirka, .
Wiilashaan waxay mar qura kala lumeen ka dib markii Chan loo diray iskuul kale oo fasalka lixaad ah.
Ha aabihiis wuxuu ahaa askari ka tirsan ciidamadii Milatariga ee ay lahaayeen xisbiga Kuomintang, kaasoo ahaa xisbigii maamulka Shiinaha heystay wixii ka horreeyay markii ay shuuciyiinta la wareegeen sannadkii 1949-kii.
Sababtaas awgeed, Ha waxaa lagu daray wixii loo yaqaannay "Liiska madow ee shanta garab", kaasoo loogu tala galay in lagu faquuqo dadka loo arkayay cadowga Kacdoonka.
Markii lasoo gaaray horraantii sannadihii 1950-meeyadii, hogaamiyihii dalka Shiinaha ee lagu magacaabi jiray Mao Zedong ayaa soo jeediyay fikrad ahayd in dhallinyarada wax baratay ee magaalooyinka loo diro dhulka miyiga ah si ay dadka wax ugu soo baraan.
Dikreeto uu soo saaray ayuu ku qoray: "Dhammaan aqoonyahannada aadi kara miyiga waa in ay si niyad sami ah u baxaan. Dhulka miyiga ah ee dalka waa meel aad u weyn oo waxyaabo badan laga hirgelin karo.
Haddii aysan qoyskiisa saameyn ku yeelan lahayn wixii ay horay u ahaayeen, Ha wuxuu awood u heli lahaa in uu jaamacad billaabo ama uu shaqo fiican helo isla markii uu dugsiga sare dhameeyayba.
Laakiin taas baddalkeeda waxaa loo diray dhulka miyiga ah "maadaama uu ahaa nin dhallinyaro ah oo aqoon leh." Wuxuu ku jiray liiska 16 milyan oo dhallinyaro reer magaal ah oo macallinimo loogu diray baadiyaha.
In uu u cararo dhinaca Hong Kong - oo dambi ka ahayd xukuumadda shuuciga agteeda ayaa ahayd jidka kaliya ee u furnaa Ha. Wuxuu aad u dhiraan dhirinayay oo dhib ku ahayd fikraddaas oo haddii uu ku guuleysto uu ka fogaanayo hooyadiis iyo qaraabadiisa kaleba.
"Hooyadeey wax culeys ah ima aysan saareynin, waxayna ii sheegeysay inaan iska baxo oo aanan iyada ka walwalin.
Inaan Hong Kong u soo baxsado waxay ahayd khatar sababtoo ah dadka halkaas aaday waxay waayi kareen noloshooda. Hooyadeey way iga walwalsaneyd laakiin way igu raacday go'aankeyga" ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannadkii 1972-kii, Ha isku daygiisii ugu horreeyay wuxuu damcay inuu ugu baxsado Ingiriiska oo horay u gumeysan jiray Shiinaha, balse waxaa la qabtay isagoo dhexda sii socda, muddo bilooyin ah ayuuna xirnaa.
In uu u soo cararo Hong Kong waxay ahayd fursad sannadkiiba hal mar la helo ugu dambeyntiina wuxuu ku guuleystay saddex sano ka dib.
Xilli uu qabow daran jiray bishii Maarso ee sannadkii 1975-kii ayey Ha iyo lamaanihiisa soo billaabeen safarkooda cabsida badan ee ku wajahan Hong Kong.
10 maalmood markii ay lugeynayeen ayay u suurta gashay in ay raacaan doon yar oo ay dad kale la wadaagayeen.
Intii uu joogay Hong Kong, Ha wuxuu qabtay shaqooyin badan oo adag. Noloshu ma aysan sahlaneyn - shahaadooyinkiisii waxbarashada lagama aqoonsaneyn magaaladaas, laakiin waxaa u suurta gashay in uu sameysto nolol.
War bixintii sare u qaadday soo nooleynta rajada
Laakiin marnaba Ha ma uusan hilmaan saaxiibbadiisii hore ee ciyaalnimada.
Sannado ka dib, warar laga sii daayay warbaahinta ayaa lagu sheegay sheeko ku saabsan nin ka soo cararay Guangzhou oo tagay Hong Kong intii uu socday kacdoonka.
Ha wuxuu u maleynayay in qofkaas uu noqon karo saaxiibkiisi hore ee Chan Hak-chi, balse sheekooyinkaas laguma soo darin sawirrada Chan, sidaas awgeedna Ha ma uusan xaqiiqsan karin in qofkaas uu ahaa saaxiibkiisii ka lumay.
Markii dambe gabadhiisa ayaa la soo xiriirtay laanta BBC-da ee dalka Shiinaha oo labo sano ka hor tabisay sheekada ku saabsan Chan, oo xaqiijiyay in Ha uu ahaa saaxiibkiisii ay kala lumeen ku dhawaad 60 sano ka hor.
Sidaas darteedna ugu dambayn way kulmeen.

Xigashada Sawirka, .
"Ma aanan aqoonsan lahayn haddii uu jid iiga hor yimaado oo aan xitaa garabka isku dhufanno," ayuu yiri Chan.
Labada nin ayaa is dhaafsaday kaftan ku saabsan sida uu muuqaalkooda yahay. Chan ayaa sheegay in uusan ku faraxsanayn inuu arko saaxiibkiis Ha oo ka dheeraaday, halka Ha uu isagana ku kaftamay in uu xoogaa buuran yahay oo uusan jirkiisa iskula ekeyn sida kan Chan.
Labadaan saaxiib ayaa sheegay in waligoodba ay lahaayeen dabeecado isku mid ah, isla markaana uusan midkoodna midka kale kula yaabeynin inuu u cararay Hong Kong, maadaama ay diiddanaayeen caburiska maamulka xilligaas jiray.
Rajadii ay waligood qabeen
Sheekada ku saabsan sidii uu Chan ku tagay Hong Kong waxay cajiib u ahayd isla sida tan Ha, haddiiba aysan ka sii cajiibsaneyn.
Isla sida ku dhacday Ha, Chan isagana waxaa loo diray inuu Miyiga wax barid u aado. Wuxuu macallin ka noqday deegaanka Boluo, Guangdong, oo uu kula kulmay haweeneyda noqotay xaaskiisa ee Li Kit-hing.
Lamaanahaas oo markaas dhallinyaro ahaa ayaa go'aansaday in ay qaataan halista ku saabsan iney u cararaan Hong Kong sannadkii 1973-kii. In kastoo ay dabaasha yaqaanneen, waxay haddana ku aadeen waqti ay badda aad u kacsaneyd wayna ku rafaadeen.

Xigashada Sawirka, .
Chan iyo Li waxay la dagaallameen hirarka waxayna xilli habeennimo ah dabaalanayeen muddo ku dhow toddobo saacadood.
Markii ay si nabad ah ku tageen Hong Kong ayaa loo sheegay in mas weyn oo dadka liqa uu ku jiray biyaha ay ku soo dabaasheen.
Lamaanahan ayaa isku guursaday Hong Kong, halkaasoo ay noloshooda ka billaabeen.
Markii uu Shiinaha is fur furay sannadkii 1978-kii, Chan wuxuu dhowr jeer dib ugu laabtay Guangzhou si uu u soo booqdo dadkii ay isku iskuulka ahaayeen, wuxuuna isku dayay inuu raadiyo saaxiibkiisii hore, laakiin ma jirin qof ogaa meesha uu ku dambeeyay Ha. Chan waligiis ma uusan fileynin inuu dib u arko saaxiibkiisii yaraanta.

Xigashada Sawirka, .
Labadoodaba waa dad aad u nasiib badan. Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dhallinyaradii isku dayday in ay ka soo tagaan Miyiga si ay ugu baxsadaan Hong Kong ay tiradooda gaareysay 250,000, laakiin 20% ka mid ah uma aysan suurta galin in ay ku guuleystaan. Qaarkood waxay ku hafteen oo ay ku dhinteen biyaha, qaar waa la qabtay, qaarna waxaaba cunay libaax badeedka.
Kuwii ku guuleystay iney si nabad ah ku tagaan waxay sabab u noqdeen in maanta ay Hong Kong leedahay horumar ballaaran. Ha iyo Chan waxay ka mid yihiin dadka ka dambeeya jiilka xasuusta fiican u leh sheekooyinka ku saabsanaa kacdoonkii Shiinaha, ee rafaadka badan u soo maray in ay nolol sameystaan.
Labadaan saaxiib waxay sheegeen in ay xiriirkooda saaxiibtinimo sii wadan doonaan hadda oo ay howlgab yihiin.
"Jiilkeennu wuxuu soo maray dhibaato fara badan," ayuu yiri Ha. " waxaan helay rajadii aan waligey qabay oo ahayd inaan dib ula kulmo Chan.










