Cabsida Trump 'dabinka been abuurka' iyo baaritaanki Muller

Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in uu la kulmi doono eedaymo been abuur ah, haddii uu ku dhaarto baaritaanka lagu sameeynayo doorka uu Ruushku ku lahaa doorashada mareykanka.
Madaxweynaha oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa wuxuu sheegay inuu ka cabsi qabo xogaha laga helay akaawngiisa iyo meelaha kalaba in loo isticmalo si isaga lid ku ah.
Mr Trump waxaa kale oo uu hadda ka hor uu ku tala bixiyey inuu la wareego baaritaanka la xidhiidha dacwadda uu gacanta ku hayo la taliyaha gaarka ah Robert Mulleer, balse uu go'aansaday inuu lugaha la gelin oo uu bananka ka joogo.
Isaga oo baaritaanka ugu yeeray mid ugaarsi la mid ah.
Ruushka ayaa sida oo kale dhinac isaga dhigay eedda loo soo jeediyey ee ku saabsan iney soo faragelisay doorashadi 2016-kii Mareykanka ka dhacday, oo uu madaxweyne Trump kaga adkaaday Musharraxa xisbiga Jamhuuriga Hillary Clinton.
Madaxweyne Trump wareysiga uu siiyey Reuters ayaa wuxuu ku caddeeyey hadal kasta oo uu ku yiri baadhayasha iyo waxyabaha kale oo falka ka markhaati kacaya, oo ay ka mid yihiin madaxii hore ee FBI James Comey iyo xogaha kale ee la helaba in loo isticmaalo si isaga liddi ku ah taasina ay dhibaato ku keeni karto.
Qareenkiisa Rudy Giuliani, wuxuu walaac ka qabaa in Mr Trump laga yaabo in "lagu xakumo beensheegga".
Madaxweyne Trump wuxuu intaa ku daray "Haddaba haddii aan anigu (Comey) wax irahdo oo isaguna wax yirahdo, oo hadalka aniga aan iri uu isagu lid ku noqdo, oo isaguna saaxibkii ugu dhow ee Muller uu yirahdo: "Comey waan ku kalsoonahay xataa haddii aan runta sheegayo, wuxuu iga soo qaadayaa inaan beenaale ahay oo kale, taasina ma fiicno."
Madaxweyne Trump wuxuu sida oo kale sheegay, hadii uu doonayo inuu farageliyo baaritaanka, wuxuu go'aansaday iney faragelinta xilligi ku habbooneyd aan la joogin.
Wuxuuna shegay "waxaan go'aansday inaan faraha kala baxo, balse hadda bannaanka kama joogi karo oo wax kasta oo suuragal ah waa inaan sameeyaa, haddaan doono aniga ayaaba hoggaaminaya. Balse waxaan go'ansaday inaan faraha la gelin.
Wareysi uu Axaddi siiyeey NBC, ayaa waxaa la weydiiyeey Mr Giuliani haddii kooxda Trump ay ka hor istaagaan markhaati iney ka bixiyaan suurtogal iney tahay in laga helo baaritaanka Mueller iyo inkale?

Xigashada Sawirka, AFP
Mr Giuliani wuxuu ku jawaabay: " anigu ma doonayo in la igu soo daayo waxaana dhici karto in lagu maxkamadeeyo been sheegga"
Wuxuuna intaa ku daray: "Markaad ii sheegto in uu markhaati yahay, maxaa yeelay wuxuu sheegi doonaa runta, waana inuusan walwal gelin, waana arrin nacasnimo ah sababtoo ah waa waji ka mid ah runta. taana run buxda ma ahan."
"Runtuna sideedaba waa run oo marna ma beenoowdo"
Mr Giuliani wuxuu arrintaa uga jawaabay isaga oo sheegay: "runta waa run, tala bixintaasiana waxay noqotay mid si weyn ugu baahday baraha bulshada".
Lataliyaha gaarka ah Muller ayaa baaritaan ku sameeynayo inuu kooxda ololaha doorashada madaxweyne Trump howshooda lagu soo afmeeray Ruushka fragelinta uu ku hayey iyo natiijada doorashada ka soo baxdayba."
2016-kii, waakaaladda sirdoonka Mareykanka ayaa waxay go'aan ka soo saartay Ruushka inuu ololaha uu u adeegsaday weerarro dhinaca aaladaha ah iyo warar been abuur ah oo ololaha ku saabsan oo ay baahisay, 32 qof ayaa ilaa iyo hadda la magac dhabay, dadkaasi oo ay ka mid yihiin 4 qof oo horay uga mid ahaa kooxda ololaha doorashada Trump iyo 25 qof oo u dhalatay Ruushka.
Madaxi Ololaha doorashada ee madaxweynaha Paul Manafort, ayaa wuxuu ka mid yahay qofka ugu horreeya oo maxkamad loo soo taago natiijada ka dhalatay baaritaanka lagu hayey Mr Muller awgeed. Hase yeeshee, dacwadda lagu soo oogayo ninka lama xiriirto doorashada oo waxay ku saabsan tahay lunsasha canshuureed iyo isdabamarin lacageed oo uu uga faa'ideystay xilli uu howla la talin uu u aaday dalka Ukraine










