Agaasimaha FBI-da oo "beeniyay" eeda Trump uu u jeediyay Obama

Xigashada Sawirka, Reuters
Agaasimaha guud ee FBI-da James Comey aayaa beeniyay sheegashada Trump ee ka dhanka madaxweynihii hore Barack Obama.
Wuxuu Obama ku eedeeyay inuu amray in telefoonkiisa la duubo ka hor intuusan doorashada ku guuleysan, sida warbaahinta Mareynka ay ku waramayaan.
Mr Comey ayaa weydiistay waaxda cadaaladda ee Mareykanka in si cad ay u beeniyaan sheegashada Donald Trump, sida ay baahiyeen New York Times iyo NBC.
Wuxuu Comey sheegay inuu dalbanayo in arrinta la saxo, sababtoo ah "waxay muujineysaa in FBI-da ay jebiyeen sharciga".
Warbaahinta Mareykanka waxay soo xigteen xubno ka mid ah FBI oo sheegaya in Comey uu aaminsan yahay in Trump uusan hayn cadeyn uu ku xoojiyo eeda uu Obama u jeediyay.

Xigashada Sawirka, AFP
In agaasimaha FBI-da uu canaanto madaxweyne talada haya waxay muujineysaa in cadaadis uu ka haysto dhanka Dimuquraadiga oo u sheegay inuu si cad uga jawaabo eeda, Sidaasi waxaa sheegay weriyaha BBC-da ee Washington, Nick Bryant.
Baaritaaanno dhowr ah
Madaxweynaha Jamhuuriga, wuxuu wajahayaa baaritaan aan caadi ahayn oo la xiriira faragelinta Ruushka uu "kaga helay taageerada" ololihiisii doorashada.
Wuxuu haddana markale wajahayaa inuu cadeeyo eedaha uu Obama u jeediyay ee ah in sanadkii tagay telefoonkiisa la dhageystay.
Warbaahinta New York Times iyo NBC wararka ay baahiyeen waxay ku soo aadayaa xilli Aqalka Cad uu Congress-ka ka codsaday inay baaraan in maamulkii Obama uu awooda si xun u adeegsaday.
Hadda FBI-da iyo Congress-ka waxay baarayaan xiriirkii u dhexeeyay kooxdii Trump u qaabilsaneyd ololaha iyo saraakiil Ruush ah.
Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa horey u sheegay in Ruushka uu farageliyay doorashada si uu Trump uga caawiyo inuu ku guuleysto doorashadii uu kula tartamay Hilary Clinton.

Xigashada Sawirka, EPA
Afhayeenka Aqalka Cad, Sean Spicer, wuxuu sheegay in "dhibaatooyiin badan ay jiraan ooka dhashay baaritaanno ay siyaasad ka dambeyso oo bilowday waxyar ka hor doorashadii 2016-kii".
Devin Nunes oo ah gudoomiyaha Jamhuuriya ee guddiga sirdoonka wuxuu warbixin ku sheegay in ay "baarayaan haddii dowladda ay dabagashay axsaabta siyaasadda ololahooda iyo saraakiishooda".











