You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sawirro : Belgium-ka oo laga hirgaliyay xarun lagu xananeeyo xayawaanka da'da ah
Waqooyiga dalkaasi Belgium-ka waxaa laga dhisay xarun lagu xanaaneyanayo ilaa 150 xaywaan oo ah kuwa da'da ah, si ay nolol wanaagsan ugu noolaadan dhimashadooda ka hor.
Xarunta waxaa maamusha Valerie Luycx, oo ah haweeneyda ka muuqata sawirka hoose waxaana xarunta la dhahaa Les Petits Vieux oo micneheedu yahay (xayawaanka duqoobay).
Xaruntaan waxa ay ku taalaa baadiyaha Chievres ee gobolka Hainaut. waxa ay hooy u tahay doofaarka da'ada ah ee hoos kaaga muuqda, bisado iyo eeyo iyagana da'a ah.
Dhamaan xawaanka halkaan ku sugan ayaa ah kuwa la daalaa dhacaya xanuuna kala duwan iyo kuwa ay da'du u runsheegtay oo dadkii lahaa ay ku adkaatay in ay xanaaneeyaan.
Xayawaanka xeradaan ku dhaqan waxa ka mid ah bisad lagu magaagacaabo Azuria, oo 15 sano jir ah iyo eey sagaal jir ah.
Waxaa sidoo kale ka mid ah bisadda Calin oo aad da'a u ah.
Waa bisadda Calin iyo eeyga oo sagaal jir ah.
Valerie ayaa xaruntan aasaastay sanadkii 2000 iyo seeygeeda Serge. waxa ay sheegatay in ay doonayeen in ay xayawaanaka da'da ah u sameeyaan noloshii guryahoda mid u dhiganta.
Halkaan hoosena waxaa ka muuqda eeyga Caracol, oo 10 snao jir ah.
Xayawaanka xaruntaan ku dhaqan ayaa loo ogolaaday in ay iyaga dhexdooda cayaaraan.
sawirada waxaa qaaday Yves Herman.