Dadka Algeria oo ariga carafada ku kala iibsanaya suuqa seyladaha Internetka

Dadka ka ganacsada idaha ee ku nool dalka Algeria ayaa isticmaalaya barta Facebook , waxayna bilaabeen hab ay internet-ka ay iibiyaan xoolahooda .

Waxa ay rajeynayaan in ganacsiga dhanka internet-ka uu ka caawin doono dhibaatooyinka safarka oo ay u aadi jireen magaalooyinka waaweyn.

Barta Facebook iyo Ouedkniss.com, ayaa la sheegay inay ganacsatan sawirada xoolaha soo dhigaan iyagoo aan suuqa geynin oo guryahooda jooga.

Xayeysiin lagu baahiyey barta Ouedkniss 7dii bisha August ayaa lagu soo qoray " ku iibso qiimo wanaagsan".

Ganacsade kale ayaa asagana sidoo kale soo qoray inuu bixin doono qarashka lagu safrinayo xoolaha.

Facebook ayaa sidoo kale loo isticmaala in lagu iibsada xoolaha guud ahaan Algeria.

Ku dhawaad lix milyan xoolo ah ayaa lagu wadaa in la geeyo kawaanada Algeria, gaar ahaan xilliga ciidda Carafada, Ururka beeralayda ee qaranka ayaa sheegay inay hada fududaatay in la helo xoolaha la qalaayo.

Mid ka mid ah xoola dhaqatada ayaa sheegay inuu internet-ka ku iibiyey 23 ido ah uuna sameeyey lacag gaaraysa 4,215 oo doolar.

Ciidul Adxa ayaa ku aadan 21 bisha 21 August. Ciidan ayaa muslimiinta waxay qalaan xoolo balse waa xilli ay sidoo kale Muslimiinta u safraan Sucuudiga si ay u gutaan waajibka Hajka.