Booliiska Dalka Maraykanka oo badbaadiyay 11 carruur ah oo gaajo la il daran

Booliiska gobolka New Mexico ee dalka Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay 11 carruur ah oo gaajo la il daran, kuwaas oo lagu hayay dhisme meel gari go'an ah ku yaalla.

Booliiska deegaankaas ayaa sheegay carruurta da'doodu ay u dhaxayso 1 jir ilaa iyo 15 sano jir, ayna kabo la'aan ahaayeen una ekaayeen "carruur qaxooti ku ah dunida saddexaad".

Shan ruux oo qaangaar ah ayaa aagaas laga helay waxaana ka mid ahaa labo nin oo aad u hubaysnaa.

Booliiska ayaa aagaas baaritaan ka sameeyay ka dib markii uu helay fariin dhahaysa "gaajo ayaan u dhimanaynaa, waxaana u baahannahay biyo iyo cunto".

Ma cadda sida ay carruurtaasi ku tageen dhismaha Amalia ku yaalla.

Booliiska ayaa sheegay in gurigaas oo yar uusan lahayn biyo qasabadeed iyo koronto toona.

Jerry Hogrefe oo ah taliyaha booliiska deegaanka Taos ayaa ABC News u sheegay in carruurtu ay gaajaysnaayeen, oomanaayeen isla markaasna ay wasakh lahaayeen.

"Soddon sano ayaan askari ahaa. Waligayna sidan oo kale ma arkin. Lama rumaysan karo," ayuu yiri.

Aad ayay u dhuudhuubnaayeen, feerahooda ayaana la arki karay, nadaafaddodu aad bay u liidatay, aad bayna u cabsanayeen.

Biyo qasabad ka socda ma aysan haysanin, biyaha kali ah ee ay haysteenna wuxuu ahaa xoogaa bataati ah iyo bariis yar oo kaartoon ku jira.