You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Diyaarad ay Ruushka leeyihiin oo burburtay
18 qof ayaa ku dhimatay diyaarad ay Ruushka leeyihiin oo ah nooca helekoptarka oo ku burburtay Waqooyiga Koonfureed ee dalkaasi.
Diyaaradda ayaa ku burburtay gobolka Siberia ee dalkasi.
Wasaarada xaaladaha degdega ah ee dalka Ruushka ayaa sheegtay in diyaardani ay dhacday markii ay ahayd 10:20 xiliga Ruushka.
Dhammaan dadkii saarna diyaradaasi oo kala ahaa saddex shaqaala ah iyo 15 rakaab ah ayaa shilkasi ku dhintay.
Diyaaradani ayaa la sheegay in ay shaqaalahni u waday goob shidaal.
Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in baaritaano ay socdaan.