You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sharcigii Denmark ee niqaabka oo loo qabtay haweeneydii ugu horreysay
Dhacdadaan ayaa la sheegaya in ay ka dhacday xarun laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Horsholm oo 25km u jirta magaalada Copenhagen.
Booliska ayaa sheegaya in loo yeeray kadib markii dagaal uu ka dhacay gudaha xarunta laga dukaameysto, markii ay baareena kaamirada dadka lagula socdo ay arkeen haweeneyda oo loo sheegaya in iska bixiso niqaabka ama indha shareerka, hadii ay diidana la dacweyn doono.
Balse Haweeyneyda ayaa gabi ahaanba diiday in ay iska bixiso niqaabka waxaana lagu ganaaxay lacag gaareeysa ilaa 155 doolar.
Sharcigan cusub ayaa dhaliyay dibabbayo iyo dhaleecyn ay soo jeediyeen urururada xuquuqda aadanaha u dooda.
Waxaa sharcigan la dhaqan galiyay arbacadii aynu soo dhaafnay kadib markii baarlamanka Denmark uu meel mariyay sharcigan bilowgii sanadkan 2018-ka.
Waxaana sharcigan lagu sheegay in qofkastaa oo dadweynaha dhexdooda ku xirta maro wajiga qarinaysa la ganaaxi doono.
Habeenkii arbacada ahayd dibadbaxayeyaal ka soo horjeeda sharcigan ayaa isugu soo baxay bartamaha caasimadda, waxaana ka mid ahaa dumar xiran xijaabo iyo indha-shareero.
Hay'adda xuquuda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa dhacdadaan ugu dambeeysay ku tilmaamtay in tahay midab takoor.