You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Macalin ku guuleystay abaalmarin qaali ah ayaa laga xaday
Macalin wax ka dhiga jaamacadda Cambridge oo ku guuleystay abaalmarinta adduunka ugu qaalisan ee xagga xisaabaadka ayaa billadii uu heley looga xaday dalka Brazil.
Professor Caucher Birkar oo kasoo jeeda qowmiyadda Kurdida Iran ayaa qaxootinimo ku galay dalka UK, wuxuuna ka mid ahaa 4 qof oo loo aqoonsaday in ay wax kusoo kordhiyeen xisaabaadka.
Balse daqiiqado kadib markii uu heley billadda dahabka ah ee 14-ka garaam ahayd ayaa laga xaday, kadib markii sida la sheegay uu uga tagay miis uu fadhiyay.
Booliiska ayaa heley boorsadiisii, balse waxaa maqnaa billaddii dahabka ahayd iyo boorsadii jeebka.