Wuxuu ku xayirmay buur dusheed ilaa uu dheelalaw galay

Alexander Gukov oo ah nin buuraha tafa oo u dhashay Ruushka, kuna xayirmay buur dusheed ka dib markii qofkii la socday uu buurta ka dhacay oo dhintay, ayaa ka sheekeeyey sidii uu u galay xaalad dheelalaw ah oo u muujisay inuu dalkiisii si nabad ah ugu laabtay, ayadoo uu baraf soo buuxiyey hareerihiisa.

Wuxuu ku xayirmay meel dhulka ka sarraysa 6,300 oo ku taalla waqooyiga Pakistan, kaynta Karankoram.

Talaadadii ayaa waxaa soo badbaadiyey Helikobtar uu milaterigu leeyahay, wuxuuna sheegay in intii uu buurta dusheeda ku xayirnaa uu go'aansaday inuu weydiisto gabar ay 18 sano wada socdeen inay guursato.

"Habeen walba waxaan ka fekeri jiray in marka aan soo noqdo aan guursado" ayuu ku yiri qaybta afka Urduga ee BBC, isagoo ku jiray isbitaal ku yaalla Rawalpindi.

Mr Gukov wuxuu sheegay in isaga iyo Sergey Glazunov oo 26 jir ahaa ay dib u celisay cimilada oo xumaatay, ayagoo markaa ku sii dhawaanayey figta sare ee buurta, muddo todobaad laga joogo.

Markii ay ka soo degayeen buurta oo dhererkeedu yahay 7,145 mitir ayuu waayey saaxibkiis.

"Waxaan damcay in aan ooyo … mise oohinba ma jirto" ayuu yiri Gukov.

Kaligii ayuu meesha ku noqday, mana haysan wax qalab ah, laba xarig oo kaliya ayuu haystay. Qalabka baadigoobka ee sitay ayuu batariga ka sii dhamaanayey wuxuuna marayey 2%, laakinse sidaasoo ay tahay waxaa u suurto gashay inuu qaylo dhaan dirsado.

"Waxaan dirsaday farriin qaylo dhaan ah oo ah in aan u baahnahay in la i badbaadiyo, wayna iga ballan qaadeen" ayuu yiri "laakinse cimilada … weligeey ma arag cimilo tan oo kale ah. Muddo 7 maalmood ah baraf, baraf, baraf aan dhamaanayn oo soo rogmanaya" ayuu ku sii daray.

Meel gabaad ah oo uu galo ayuu barafka ka dhex samaystay, waxaana u suurtogashay inuu xiriirro ku sameeyo telefoonka ku shaqeeya dayax gacmeedka.

Wuxuu sheegay inuusan waxba u jeedin, laakinse uu maqlayey dhawaaqa helikobtarka dushiisa heehaabaysay. Dhowr goor ayaa la joojiyey hawlgalka samata bixinta.

"Habeenkii ayuu dheelalawgu aad iigu badnaa oo aan arkayey anigoo gurigaygii jooga" ayuu yiri Gukov.

Aakhiritaankii cimilada ayaa hagaagtay, waxaana u suurto gashay helikobtarrada milateriga inay gaaraan.

Aad ayuu u taag darnaa, seddexdii maalmood ee u dambaysayna waxba ma uusan cunin, barafka ayaana labada lugood ka galay.

Dhakhaatiirta ayaa iminka xaladdiisa baaraya, ayagoo eegaya bal in ay badbaadin karaan suulasha lugaha ee uu barafku dilay.

Wuxuu sheegay in "shallayga ugu weyn" ee haysta uu yahay saaxibkii oo uu waayey, laakinse ma yaqaanno cid uu ku eedeeyo.

"Maxaan dhihi karaa? Maxaan kuu sheegi karaa? Waxaan is leeyahay khalad ayaa dhacay, ma garanayo cidda khaladka leh" ayuu yiri.