Taallada lagu xusuusto guumeysiga oo la sheegay iney tilmaan u tahay cunsuriyadda Portugal

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waddanka Portugal ayaa waxuu noqdtay waddanka ugu horreeyey ee addoonsiga uu sameeyey taalla uu ku xusuusto u dhisay, iyaga oo si gaar ah uga xusuusanayo xilliga dalkaasi uu addoonsiga ku jiray iyo caqabadaha xilligaa ay la kulantay.
Xusuusta malaayiinta qof ee ay waxyeellada ka soo gaartay addoonsiga ayaa waxay tahay mid aan loo baahneyn iyada oo ay dadka deggan deegaankan ay bishi december ee kal hore ay u codeeyeen in wabiga jinkiisa in laga dhiso huteel lagu xuso addoonsiga.
Maraakiibta addoonsiga waxay daabuli jireen dad la addoonsado oo aad u tira badan oo qayb ka ahayd ganacsiga addoonsiga ee Atlantic oo 400 oo sano oo soo gaartay qarniga 19aad. Xabsiga si ku meel gaar ah dadka la addoonsado lagu hayn jiray inta ay dadki lahaa ee soo iibsaday ka bixinayaan canshuurta dowladda, wuxuu ku yaallaa meel aan ka fogeyn hoolka weyn ee shirarka lagu qabto ee magaalada Lisbon.
Waddan ku faano dadka addoonsiga ka ganacsanayey oo xad gudubka nbani aadaminima sameeynayey xilliga ay guumeysiga ka waddo Afrika, waxay muujineysaa iney dalka Portugal uu yahay dal cunsuri ah oo midab takoorka dhaqan u leh.
Beatriz Gomes Dias, oo ay hay'addiisu u ololeyso faraca hore ee Africa wuxuu leeyahay "waxaan dooneynaa taalladaas iney noqoto mid lagaga doodo cunsuriyadda caalamka maanta ka taagan," isaga oo si gaar ah taallada olola weyn ku wado.
"Portuga waxay u baahan tahay ayuu yiri iney addoonsigu u aqoonsado arrin loo baahan yahay in wixi hore laga soo gudbo. waana in loo qaataa inuu yahay farqi u dhaxeeya addoonsiga iyo shaqada xoogga ah oo qofka lagu qasbo, iyo la dagaallanka addoonsiga maanta taaganba aan ugu adeegsanno."

Xigashada Sawirka, Djass
Qaar ka mid ah dadka caddaanka ee Portuguese ayaa waxay ku doodayaan iney dalkooda ka jirin dhibaato cunsuriyadeed.
Aqoonyahanka ahna aasaasaha machadka dhaqdhaqaaqa Lusophone ee caalamiga ah Renato Epifânio, qoraal uu arrintan ka qoray sanadki hore ayaa wuxuu ku sheegay "Qof kasta oo aqoon u leh Europe wuxuu nagu raacayaa fikirkannaga,".
Qoraaga ahna taariikhyahanka João Pedro Marques wuxuu taagerayaa iney dadka Afrikaanka ah ay xaq u leeyihiin iney helaan wax ay ku xusuustaan ehelladooda ay cunsuriyadda waxyeellada ka soo gaartay. Balse daka arrimahan u ololeeya ayaa waxay aad u buunbuuniyaan ayuu yiri doorka ay Portugal ku lahayd ganacsiga addoonsiga iyo iney arrimaha addoonsiga ay la xiriiriso taariikhdeeda guumeysiga iyada oo dana siyaasadeed ka leh.
Wuxuuna intaa ku daray, "waxaan filayaa ayuu yiri dadka u ololeeya ka hortagga cunsuriyadda iney xoogga saarin waxyaabaha la buunbuuniyey balse xaqiiqooyinka dhacay ay xoogga saaraan."
'Ku faanitaanka gumeysiga'
Marwo Gomes Dias ayaa waxay sheegtay dadka madowga ee ka ololeeya Portuguese iney isku dayayaan "iney takooraan ama ku xadgudbaan dadka u dhashay Portuguese iyaga oo ku halqabsado".
Waxay intaa ku dartay ineysan boos ku lahayn dadka madowga ah sida ay u fikirayaan. dadka madowga ah oo asalkooda ka soo jeeda Africa looma aqoonsano iney qayb ka yihiin shacabka dalka Portuguese."

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waxay sheegtay iney aaminsan tahay dhibaatada ka timid sida khaladan oo goobaha waxbarashada looga baro guumeysiga dalkan uu horey u soo sameeyey iney tahay ficil lagu faano taasina ay abuurtay aragti khaldan in laga qaato"
"Waxaa marka loo baahan yahay inaan arrintaasi ka hortagno oo aan soo shaac bixinno, inaga oo ballaadhineyno taariikhda guud ee dadyowga. Balse ma dhihi karno cadaadiska, dulmiga iyo xasuuqa waa wax wanaagsan, waxaa loo baahan yahay inaan dood adag ka sameeynaa waxyaabihi aan ka soo gudubnay ee aan wadaagno.
Soo shaac bixinta dulmiga xilligaa dhacay

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Ilaa uu sanadki 1836-ki dhammaado ganacsigi addoonsiga ee ay Portugal ka qayb qaadatay, maraakiibta Portuguese iyo Brazil waxay muddada 400 sana ah ay ku daad gureeyeen dad la addoonsado oo ka badan lix malyan, waxaana dadkaasi addoonsiga loo qaaday la sii mariyey badda Atlantic.
- Dadkaasi la addoonsado badankood waxaa laga qabtay Africa, sida oo kalana dad u dhashay Shiinaha oo laga soo qabanayey Macau oo uu Portugal guumeysi ayaa dadkaasi la guumeysado ka mid ahaa.
- Waxaase khilaaf uu ka taagan yahay mustaqbalka matxafka Lisbon oo mudda dheer la qorsheeynayey iyo aragtiga Potugal ay ka qabto ballaadhinta matxafkaasi.
- Matxafkan lagu soo bandhigayo waxyaabaha la xidhiidha addoonsiga magacyo badan ayaa looga yeera oo ay ka mid yihiin Inter-culturality iyo wakhti aan sidaa u fogeyn oo loogu yeeri jiray matxafka Voyage.
- Bishi June ee sanadki hore 100 qof oo madow oo ka mid ah dadka ololeeya iyo aqoonyahanno kale ayaa dowladda ugu baaqay iney isku dhex laaqin addoonsiga iyo dhul qabsashada, soo bandhigidda taariikhda iyo ballaadhinta midna.
- Caro ka dhalatay nin la sheegay inuu aflagaadeeyay kooxda Senegal
- Trump oo diiday in uu cunsuri yahay
Sida uu dhigayo sharciga Portuguese waa sharci darro in meel lagu soo uruuriyo macluumaad la xidhiidha midab gaar ah, marka wey adkaaneysaa iney uruurinta xogtaasi fududaato.
Balse Cristina Roldão, oo ah gabadh arrimaha bulshada ka shaqeeysa ahna cilmi baadhe ka tirsan jaamacadda IUL waxey leedahay muwaaddiniinta u dhashay Portugal iyo dadka kalaba iney intooda badan ay sinnaantu faraxad gelineyn.
Dhalinyaradda madowga ah oo ay da'doodu u dhaxeyso 18 ilaa iyo 25 jir kala badh oo keli ah ayaa jaamacadaha gasho marka loo fiiriyo tirada dadka caddaanka ah ee jaamacadaha ka xaadiro sida ay ku ogaatay daraasad ay iyadu sameeysay. Macabiista dalkaasina dadka madowga ee asalkooda Africa ka soo jeedo waxaay ka badan tahay 15 jibbaar marka dadka kale loo eego.
Inuu qofku noqdo madow islamarkaana u dhashay Potuguese
Dr Roladao oo dhalashada Portugal haysata waaliddiinteeda waxay ka soo jeedaan Cape Verde, balse waxay aaminsan tahay inuu caddaalada ahayn "sharciga 1981-ki soo baxay ee mamnuucaya qaar ka mid ah dadka asalkooda Africa ka soo jeeda aan u arkin iney Portugal u dhasheen balse u aqoonsanayso inuu ku dhashay dalkan oo keli ah"
Mamadou Ba oo ka mid ah dadka ka soo horjeeda cunsuriyiinta Portugal wuxuu leeyahay "portugal iney halganka ay ku dooneyso iney noqoto dal dadka aan caddaanka ahayn ay ka helin xaqa muwaddinnimo."
Wuxuu ku dhashay Senegal dalka Portugal wuxuu joogaa in ka badan 20 sano, wuxuuna sheegayaa sharcigu inuu dhigayo "ilmaha ku dhashay portugal xataa inuu u aqoonsanayo ajnabi ku dhashay isaga oo waddankiisa ku dhashay."

Xigashada Sawirka, Djass
"Inaad noqoto madow ku nool Portugal waxaad la kulmeysaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin mid dhaqaale, dhaqan, arrima bulsho iyo mid siyaasadeedba. Inaad madow ku nool Portugal aad noqotid waxaad sida joogta ah ula kulmeysaa xadgudubyo joogta ah oo jireed iyo mid maskaxeedba isugu jiro"
Qoraaga João Pedro wuxuu taageerayaa fikirkaasi isaga oo aaminsan "iney dadka cunsuriyiinta ah ay ku nool yihiin Portugal, balse wuxuu ka soo horjeedaa iney wax dhibaata ah oo cunsuriyad ah ay dalka dhan ka jirin."
Xilliga uu keligii taliyihi Antonio de Oliveira Salazar uu talada dalka hayey, Marcos wuxuu leeyahay waxaa dalka geesi taariik leh ka ahaa "qofka aan ceeb iyo cillad laheen". Wuxuuse hadda ka cabanayaa "aragtida xisbiyada siyaasadda midigta fog ee ay aaminsan yihiin inuu isirkanaga uu Portugal oo keli ma ahe uu caalamka oo dhan uu halis ku yahay." marka waaan ku qasbannahay inaan fikirka noocaas ah aan mucaarad ku noqonno."
Waana in dood taalla ka qoto dheer lagu xusuusto xilliga addoonsiga la yeeshaa oo arrima badan lagu lafa guraa.
Balse Bratriz Gomes Dias oo ka mid ah dadka arrimahan u ololeeyana, waxay si weyn u taageereysaa in taallada xusuusta marweliba loo baahan yahay.
Iyada iyo dadka iyada la mid ah oo arrimahan u ololeeya oo fikirkeeda aaminsan waxayba baadi gobayaan iney helaan dad sawirradooda ku muujiya dhibaatooyinka taariikhiga ee horay u soo dhacay iyo cunsuriyadda xilligan casriga ah socota.










