TVga BBC Soomaali oo la ballaariyey

BBC News Somali TV wuxuu kuu soo gudbinayaa doodo gaar ah, warar aan horay loo maqal iyo codad kala duwan oo Soomaali ah.
Barnaamijka cusub ee Caawa iyo Caalamka ee BBC News Somali TV oo uu soo jeedin doono Farxaan Maxamed Jimcaale (oo sawirka ka muuqda) waxa uu billaabanayaa berri oo ah Isniin 30 July, wuxuuna habeen kasta soconayaa 30 daqiiqo.
Barnaamijka oo maalin walba, Isniin-Jimco hawada gali doona, wuxuu isugu jiraa Warar, wareysiyo iyo falanqeyn, kala soco BBC Somali TV. Qaybtan cusub waxay wakhti dheeraad ah siin doontaa wararka aan meelaha kale laga sheegin. Waxaad ka heli kartaa bogga https://www.bbc.com/somali iyo bogga cusub ee BBC Somali YouTube https://www.youtube.com/BBCNewsSomali
Waxaa ka shaqaynaya suxufiyiin u tababaran hawsha ay qabanayaan.
Tusaale ahaan qodobada toddobaadyada soo socda daawadayaashu filan karaan waxaa ka mid ah:
* Warbixin eegeysa dhibaatada mindiyaha ee saameynta ku haya dadka Soomaaliyeed ee qurbaha.
*Sheeko ku saabsan gabar Soomaaliyeed oo dharka xayeysiisa oo xirata xijaab oo caalamka caan ka noqotay.
*Wareysi aan la yeelanay Majid Majid - Duqa magaalada Sheffield oo ah Soomaali da'yar oo saxaafaddu hadal heyso Yurub.

Waxaa laga heli kalaa telefishinada aan wada shaqeynta leenahay
Kalsan: Isniin - Jimco 8.00 Habeennimo
SBC: Isniin - Jimco 8.00 Habeennimo
STN: Isniin - Jimco, 9.45 Habeennimo
Wixii faahfaahin dheeraad ah fadlan la xiriir [email protected]
BBC News Somali waxay ku gaartaa toddobaadkii ilaa 3.6 milyan oo qof oo ku nool Bariga Afrika, Geeska Afrika iyo Caalamka oo dhan - radio (oo ah idaacadda caalamiga ah ee loogu dhageysi badan yahay Soomaaliya), online iyo TV iyo weliba bogagga bulshada Twitter, Facebook iyo Instagram.
BBC World Service waxay ku soo gudbisaa wararka caalamka Ingiriis iyo 41 luqadood oo kale, kuwaasi oo ku baxa raadiye, telefishin iyo digital, waxaana toddobaadkiiba dhageysta ama daawada 279 milyan.
Iyada oo qayb ka ah BBC World Service, BBC Learning English waxay bartaa luqadda Ingiriiska dhageystayaasha caalamka. Xog dheeraad ah, booqo bbc.com/worldservice.











