Xisbiyo qaadacay natiijadii ka soo baxday doorashadii Pakistan

Hogaamiyayaasha xisbiyada siyaasada Pakistan ee doorashada saloogsan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Hogaamiyayaasha xisbiyada siyaasada Pakistan ee doorashada saloogsan

Koox ka kooban xisbiyo siyaasadeed ee dalka Pakistan oo uu ka mid yahay xisbiga PMLN -ayaa waxay sheegeen in ay diideen natiijada ka soo baxday doorashadii ka dhacday Arbacadii dalkaasi.

Xisbiyadan ayaa waxa ay shegeen in doorashadani lagu shubtay islamarkana ay qaadacayaan.

Mid ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiyadani Maulana Fazlur Rahman ayaa sheegeen in ay qabanqaabin doonaan dhaqdhaqaaqyo dibadbaxyo ah taasi oo ay ku dalbanayaan in doorasho cusub la qabto.

Balse hogaamiyaha xisbiga PMLN, Shahbaz Sharif, ayaa sheegay in uu la tashan doono xubnaha xisbigiisa in ay doorashada qaadacayaan iyo in kale.

Natiijooyinka ilaa iyo imika la shaaciyay ayaa muujinaya in xisbiga xiddigii hore ee ciyaaraha Kirikitka Imran Khan uu xubnaha ugu badan ka helay baarlamaanka dalkaasi.

Gudiga doorashada ee dalka Pakistan ayaa waxay dhankooda beeniyeen in doorashada ay wax isdabamarin dhacday.