Dalka Colombia Eey ay booliiska isticmaalaan ayaa naftiisa loo baqayaa

Eeygan ayuu magaciisa yahay Sombra

Xigashada Sawirka, Colombian police

Qoraalka sawirka, Eeygan ayuu magaciisa yahay Sombra

Eay ku nool dalka Colombia oo si wanaagsan loogu tabobaray in uu uriyo daroogada ayaa naftiisa loo baqayaa kadib markii koox maafiyo ah oo daroogada ka ganacsada ay madixiisa dul saareen $70 kun doolar haddii lasoo dilo.

Waxa ay doonayaan in ay kaga aargoostaan maadaamaa uu qabtay daroogo dhan 10 tan oo ay lahayd kooxdan Urabeños.

Hanjabaadan ayaa dowladda ku qasabtay in ay Eeyga ay u wareejiso garoonka magaalada caasimadda ah ee Bagota, halkaas oo loo arko meel uu ku bad gali karo.

Booliiska waxa ay sheegeen in illaalo dheeraad ah lagu daray Eeyga marka laga tago qofka caadi ahaan gacanta ugu haya.

Markii hore waxa uu Eeyga ka hawlgalayay magaalada deketa ah ee Turbo, halkaas oo inta badan ah meesha daroogada ugu badan laga soo galiyo.

Sombra ayaa ka qeybqaatay wax ka badan 300 oo hawlgal

Xigashada Sawirka, Colombian police

Qoraalka sawirka, Sombra ayaa ka qeybqaatay wax ka badan 300 oo hawlgal

Eeygan ayaa horseeday in xitaa la xiro wax ka badan 200 oo maafiyada ka mid ah markii la heley daroogada.