Afewerki oo gaaray Addis Ababa

Afewerki waxaa garoonka dayaaradaha ku soo dhoweeyey Abiy Axmed

Xigashada Sawirka, Fitsum Arega

Qoraalka sawirka, Afewerki waxaa garoonka dayaaradaha ku soo dhoweeyey Abiy Axmed

Madaxweynaha Eritrea Isias Afewerki ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya markii ugu horraysay muddo ka badan 20 sano. Booqshadiisa ayaa jawaab u ah tii uu todobaadkii hore Eritrea ku tegey ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Socdaalkiisa ayaa la filayaa inuu qayb ka qaato isku soo dhoweynta xiriirka labada dal oo labaatankii sano ee la soo dhaafay aad u liitay.

Xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dal ayaa go'naa tan iyo wakhtigaas, waxaana sidoo kale kala irdhoobay qoysas wada dhashay ama xidid ahaa.

Xurguftii labada dal dhex martay ayaa noqotay mid gobolka ku fidday.

Tan iyo markii uu dhowr bilood xukunka qabtay ra'iisul wasaare Abiy Axmed, Itoobiya waxaa ka socday isbeddello siyaasadeed iyo kuwo milateri, wuxuuna sidoo kale isku dayayey inuu dib u hagaajiyo xiriirka uu dalkiisu la leeyahay waddamada gobolka.

Muhiimadda booqashadiisa ay u leedahay gobolka?

Eritrea iyo Itoobiya waxaa u dhexeeyay colaad dhanka xadka ah tan iyo sannadkii 2000 markaasi oo la gaaray heshiis nabadeed oo lagu joojinayo dagaalka oo tobbonaan kun oo qof lagu dilay.

Guddiga kormeerka deegannada xadka ah ee lagu muransan yahay ayaa la sameeyay, ka dibna waxaa laga la gaaray heshiis magaalada Badme lagu siiyay Eritrea, halka Itoobiya ay diiday inay aqbasho in magaaladaasi lagu wareejiyo Eritrea.

Wixii intaasi ka dambeeyay xaaladda xadka labada dal way kacsanayd.

Ethiopia iyo Eritrea

Colaadda labada dal waxay saamayn ku yeelatay gobolka, waxay la kala safteen dhinacyada ku dagaallamayey Soomaaliya. Eritrea waxaa lagu eedeynayay inay taageerto kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama Soomaaliya halka Itoobiya ay taageerto dowladda Soomaaliya.

Maxaa hadda dhacaya?

Ilaa xilligii uu Abiy Axmed ra'iisul wasaare Itoobiya ka noqday wuxuu billaabay isbaddalo cusub.

Wuxuu kulan magaalada Asmara kula qaatay madaxweynaha Eritrea, halkaaso ay heshiisyo dhowr ah ku kala saxiixdeen.

Afewerki oo salaan ka qaadanaya ciidanka Itoobiya

Xigashada Sawirka, Fitsum Arega

Qoraalka sawirka, Afewerki oo salaan ka qaadanaya ciidanka Itoobiya
Labada hogaamiye waxay dabciyeen mowqifkii adkaa ee ay kala taagnaayeen

Xigashada Sawirka, Fitsum Arega

Qoraalka sawirka, Labada hogaamiye waxay dabciyeen mowqifkii adkaa ee ay kala taagnaayeen
Shacabka Eritrea oo soo dhaweeyay Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho dhawaan ku tagey dalkaasi

Xigashada Sawirka, Mela Gebre Medhin

Qoraalka sawirka, Shacabka Eritrea oo soo dhaweeyay Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho dhawaan ku tagey dalkaasi

Qodobada heshiiska

Labada hoggaamiye waxay sheegeen inay ka shaqaynayaan sare u qaadidda arrimaha dhaqaalaha labada dal iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Waxaa markii ugu horreysay la isugu furay khadadka telefoonada labada dal tan iyo sannadkii 1998-kii. Dadweyanaha labada dal ayaa soo dhaweeyay tallaabada isgaarsiinta labada la isku furay, waxayna durbadiiba billaabeen inay wacaan eheladooda kala jooga labada dal.

Weriye Cabislam Hadigu wuxuu ku rajo wayn yahay inuu arko gabadhiisa oo 16 sanno ka hor ugu war dambaysay sii uu uga faa'idaysto isbaddallada

Xigashada Sawirka, Addisalem Hadigu

Qoraalka sawirka, Weriye Cabislam Hadigu wuxuu ku rajo wayn yahay inuu arko gabadhiisa oo 16 sanno ka hor ugu war dambaysay sii uu uga faa'idaysto isbaddallada