You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhismaha masjidka ugu weyn xaafadda Islii oo la dhagax dhigay
Magaalada Nairobi ayaa la dhagax dhigay qorshe lagu ballaarinayo masaajid ku yaalla xaafadda Islii, kaasoo ay ku baxayso lacag ku dhow 10 malyan oo Doollar.
Lacagtaas oo marka shilinka Kenya loo beddelo noqonaysa 950 malyan oo shilin, ayaa loogu tala galay in lagu bixiyo mashruuc lagu saarayo 10 dabaq masjidka Abuubakar ee waddada 6th street ee xaafadda Islii.
Dhagaxdhigga mashruucan waxaa kala qayb galay culumada Kenya, hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka, Aadan Barre Ducaale.
Lacagta wajigeeda hore oo ah 350 ayaa la sheegay in 205 malyan oo ka mid ah gacanta lagu hayo, taasoo laga uruuriyey shacabka.
Marka uu mashruucan dhamaado ayaa masaajidkan, oo sidoo kale loo yaqaano masaajidka six street, wuxuu noqon doonaa kan ugu weyn ee ku yaalla xaafadda islii ee Nairobi.
Halkan ka daawo sawirrada