Wakaalada Boostada Maraykanka oo loosoo direy xaanshi ganaax culus ah

Xigashada Sawirka, Getty/AFP
Wakaalada Boostada Maraykanka ayaa lagu ganaaxay lacag dhan $3.5 milyan doolar kadib markii ay isticmaashay sawir aan ahayn kii saxda ahaa, kaas oo aysan u haysanin wax xuquuq ah.
Halkii ay ka isticmaali lahaayeen sawirka taaladda Liberty ee New York ee asalka ah, ayay wakaalada isticmaashay sawirka taallo taas laga luunjeexay oo laga taagay magaalada Las Vegas.
Ninkii naqshadeeyay taalada Las Vegas Robert Davidson, ayaa maxkamad geeyay wakaaladda, waxaana loo xukumay in la siiyo lacag magdhow ah oo gaaraysa $3.5 milyan oo doolar maadaamaa lagu xadgudbay xuquuqdiisa lahaanshiyaha hal abuurka.
Wakaalada ayaa sawirkan isticmaashay sanadkii 2010-kaa, Mr Davidson-na waxa uu dacwada furtay sanadkii 2013-kii, isaga oo sheegay in labada sawir ay aad u kala duwanyihiin, aysana jirin sabab la'isugu qaldo.
Boostada waxa ay iibisay 4.9 bilyan oo farankaboolooyinka ama astaamaha lagu dhajiyo waraaqaha ah, waxayna ka samaysay macaash dhan $70 milyan oo doolar.
Ninka taalada naqshadeeyay ayaa sheegay in uu isticmaalay sawirka islaanta uu aabihiis qabay.

Xigashada Sawirka, Reuters/Kirby Lee









