Wiilka Abuubakar al Baqdaadi 'oo Suuriya lagu dilay'

Wiil uu dhalay hogaamiyaha kooxda dawladda islaamiga, Abuubakar al Baqdaadi, ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya, sida ay ku soo warrantay hay'adda wararka ee kooxda IS.

Xudayfa al Badri ayaa ku dhintay "hawlgal kumaandoos" oo ka dhan ahaa xukuumadda Suuriya iyo xoogagga Ruushka, meel dabka laga dhaliyo oo ku taalla gobolka Xums, sida lagu qoray farriin la soo dhigay barta Telegram.

Faahfaahin dheeraad ah lama bixin, laakinse waxaa lagu daray muuqaalka ninkaas dhallinyarada ah oo middi haysta.

Halka uu ku sugan yahay aabihiis - oo magaciisa runta ah uu yahay Ibraahin Cawad Ibraahim al Badri - ayaan la ogeyn, laakin farriintu waxay muujinaysaa inuu weli nool yahay.

Baqdaadi oo madaxiisa la dul dhigay $25 malyan, waxaa dhowr mar la sheegay in la dilay ama la dhaawacay.

Warkiisa lama maqlin tan iyo Siteembar 2017, markaasoo uu taageerayaashiisa ka codsaday inay weerar ku qaadaan reer galbeedka, ayna sii wadaan dagaalka Suuriya iyo Ciraaq.

Wax badan lagama oga qoyska hogaamiyaha kooxda IS, laakin Hisham al Haashimi, oo khabiir ku ah jihaadyada, la taliyena u ah xukuumadda Ciraaq, ayaa sheegay in Xudayfa al Badri uu ku dhashay magaalada Ciraaq ku taalla ee Samarra, sannadkii 2000.

Bishii May, wuxuu Haashimi sheegay in xaalad ciriiri ah uu galay Baqdaadi, ka dib markii ciidanka Ciraaqiyiintu ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen shan sarkaal oo sare oo ka tirsan IS.

Waxaa ka mid ahaa Ismaaciil al Ithaawi, oo gacan yare sare u ah Baqdaadi. Waxaa lagu soo warramay in lagu qabtay Turkiga bishii Febraayo, ka dibna loo dhoofiyey Ciraaq, isagoo gacan ka siiyey sirdoonka Ciraaq sidii loo soo gacan galin lahaa afar taliye oo Suuriya joogay inay inay xuduudda ka soo gudbaan.

IS ayaa waxaa gacanteeda ka baxay dhul ay haysatay oo qayb ka ahaa khilaafada uu Baqdaadi ku dhawaaqay 2014.

Kooxdu waxay iminka gacanta ku haysaa qeybo yar oo ka tirsan Suuriya, kuwaasoo ay weeraraan xoogagga xukuumadda Suuriya taabacsan, Kurdiyiinta Suuriya ee Maraykanku taageero, iyo dagaallameyaal carab ah.

Xukuumadda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday inay guul ka gaartay dagaalka ka dhanka ah IS bishii Disembar, laakin xoogaggooda amniga waxay weli wadaan hawlgallo ka dhan ah miliishiyaadka uu fadhigoodu yahay dhulka lama degaanka ah ee ku dhereran xuduudda Suuriya.