You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay DP World iyo dimoqoraadiyadda Jabuuti
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi gaar ah siiyay laantaaf-Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay dhawr arrimood oo ay ka tahay dimoqaraadiyadda dalkaas.
"Waddanku dadka ra'yigiisa in uu cabbiro, danta guudna la illaaliyo, balse dimoqoraadiyadda haddii ay keeneyso jaantaa roggana, waa wax laga cuudu bileysto, wax weli ra'yigiisu lagu xirey anaga ma heyno, qof la dileyna ma hayno, qof la xukumayna ma heyno, haddii uusan isaga ku xad gudbin xoriyadda dadka, malaha marka dibedda loo boxo ayaa masruuf lagu helaa" ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Mar aan wax ka weeydiinay arrimaha dalalka saldhigyada ciidan ku leh Jabuuti, ee danahooda is diidanyihiin ayuu yiri "Marka ay dalalkooda joogaan dalalkan waa heshiis, halkan ma jirto sabab ay ku dagaalamayaan".
Dhanka kale Madaxweyne Ismaaciil ayaa ka hadlay dacwad u dhaxeysa dowladiisa iyo shirkadda dekedaha ee DP World, taas oo dowladda Jabuuti ay ka wareejisay maamulka dekada Dooraale.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay leedahay saamiyada ugu badan shirkadda, ayna arkeen shirkadda DP World aysan ka shaqaynaynin danaha dekedaha Jabuuti, sidaasna ay ula wareegeen maamulka.
Balse waxa uu intaas ku daray "Waan u ogolnahay saamigoodiii, balse waa in la'isu ixtiraamaa sida loo kala saami badanyahay".